Wasiirka Ganacsiga Oo Ka Hadlay Safar Uu Ku Tagay Dalka Ireland Iyo Shir Uu Kaga Qayb Galay

0
622

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ka hadlay Safar uu ku tagay dalka Ireland, waxaanu sheegay in ujeedada safarkiisani ahaa in isaga iyo wefti uu hogaaminayo, ay halkaas kaga qayb galayaan Shir lagaga hadlayo Mashruuca Berbera Cori-door iyo sida looga faa’iidaysto maalgashiga ku dhisan wax wada lahaanshaha.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika isagoo ku sugan dalka Ireland, ayaa sidoo kale ka hadlay booqasho ay ku tageen Dekadda ugu weyn dalka Ireland, oo ku taala Magaalada Debin, waxaanu sheegay inay wax badan ka soo faa’iidaysteen, ugu horeyna wuxuu yidhi “Aniga iyo Wefti ila socda,oo aan hogaaimanayo, oo ay ka mid yihiin Maareeye ku xigeenka, Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha Ganacsiga, Hawlaha guud, iyo Arrimaha Dibadda,  waxaanu safar shaqo ku tagay Magaalada Deblin, ee Wadanka Ireland, halkaas oo aanu ku tagay shir lagaga hadlaayo arimaha Berbera Coridoor iyo sida looga faa’iidayso maalgashiga ku dhisan wax wada lahaanshaha”.

“Waxaanu booqanay Dekadda ugu weyn dalka Ireland ee ku taala Dublin, oo ah Dekad ku shaqeeysa nidaamka PPP (Public Private Partinership), oo ay wada maalgashadeen Shirkado iyo Xukuumadda Ireland, ujeedada booqashadaydu waxay ahayd in aanu wax ka soo barano, siyaasada iyo shuruucda ay ku wada shaqeeyaan, iyo sida loo maamulo khidmada laga qaado loo shaqeeyaha, iyo waliba cida awooda u leh inay kordhiso ama ay dhinto tacriifada, waxaan kale oo aanu ka soo baranay siday muhiim u tahay in Dekaddu yeelato qorsho dheer oo ah qorshe lagu xisaabtamo ilaa 40-sanno ee soo socda, waayo Dekaddu wey fidaysaa, markaas waa inay yeelato dhul ay mustaqbalka ay ku fido”.