Guddoomiyaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Khilaafka Wakiillada

0
902

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel), ayaa talo u soo jeediyey Xildhibaanada Golaha Wakiilada, waxaanu ku taliyey inay heshiiyaan dhinacyada isku haya xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, oo muran badani ka dhashay, waxaanu ugu baaqay inay qaatan inay tixgeliyaan go’aankii ka soo baxay Galahooda.

Jaamac Shabeen oo u waramayay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ku taliyey in aad looga feejignaado mushkilad iyo qas caqabad ku noqota Doorashada, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Mushkilad iyo qas Doorashada caqabad ku noqda in laga feejignaado weeye, Doorashadii baa  soo dhaw, laba bilood oo qudha ayaa ka hadhay, waxaynu u baahan nahay Doorasho si qurux badan inoogu dhacda, waana in himiladeenu noqotaa sidii ay inoogu dhici lahayd Doorasho  aad u fiicani, oo xor iyo xalaal ahi, ee aynu ka taxadirno wax walba oo dhib ku ah Doorashadeena”.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye mar uu ka hadlaayey khilaafka Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Xildhibaanada Golaha Wakiilada, waxaan kula dardaarmayaa inay qaatan oo ay aqbalaan go’aankii ugu horeeyey ee Doorashadooda, mar haddii go’aan dhacayna sidaas uu u dhacay ayuu ku ansaxay, waana in go’aankan loo hogaansamaa, natiijada Maxkamadda ka soo baxdayna waa inay labada dhinac ee Wakiiladu raacan, oo ay heshiiyaan, gacmahana ay is qabsadaan, runtiina waxa inagu ceeb iyo ayaan daro ah in inagoo Doorasho galayna in haddana Baarlamaankeenii is qabsado”