“Wasiirka Ganacsiga Iyo Warshadaha Waa Inuu Wax Ka Qabtaa Sharaabka Bilaa Cashuurta Ah Ee Dalka Itoobiya Inooga Yimaada”.

0
590

 

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga  Somaliland ugu baaqay inuu wax ka qabto Sharaabka Itoobiya ee dalka la keeno oo uu sheegay in bilaa Cashuur lagu keeno, aan laga qaadin haba yaraate wax Cashuur ah.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dalka Itoobiya waxaa ka yimaada Sharaab, Sharaabkaas oo ah Cocola, iyada oo dalkeena ay jiraan Warshado la galiyey labatan milyan oo doolar,oo ah Shirkadda Sharaabka ee SBI, oo ay leeyihiin Ganacstada Ilma Geele, oo ah Ganacstadu muwaadiin ah, oo wax soo saarka dalka dhiirigeliyey, isla markaana shaqo abuur balaadhan sameeyey, iyada oo Shirkadan ay ka shaqeeyaan Shaqaale aad u badan, markaas in Warshadan iyo Warshadaha la mid ah oo dalkeena ku yaala, oo u baahan in la garab istaago, in haddana tartan lala galo oo Sharaab kale oo aan dalkeena laga soo saarin dalka lagu qaabo, iyada oo waliba Sharaabkaas dalka la keenaya bilaa cashuur yahay waa xaaran, markaas Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha waa inuu wax ka qabtaa Sharaabka bilaa cashuurta ah ee dalka Itoobiya inooga yimaada”.

Dhinaca kale wuxuu guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay nabadooda iyo qaranimadooda ilaashadan, kana dheeradan qabyaalada iyo wixii la midka ah, waxaanu sidoo kale ALLE caafimaad uga baryey Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here