Hargeysa (Geeska)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa kulan ku saabsan Bisha barakeysan ee Ramadaan la yeelatay Imaamyada iyo Mu’adimiinta kala duwan ee Masaajidada Magaalada Hargeysa. Kulankan oo shalay ka dhacay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha ee Magaalalda Hargeysa ayaa waxa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdilaahi Cabdule, Culimo ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Imaamyada iyo Mu’adimiinta Masaajidida kala duwan ee Caasimadda.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa dardaaran ku saabsan Bisha barakeysan ee Ramadaan u soo jeediyey Imaamyadii iyo Mu’adimiintii goob joog ahaa Kulankaas, waxaanu ka waramay safar uu ku tagay Gobolada Beri ee Somaliland , waxaanu yidhi “Haddii aad tihiin Imaamyada iyo Mu’adimiinta Masaajidada kala duwan ee Magaalada Hargeysa, kulankan aanu iskugu kiin yeedhay waxa uu ku saabsan yahay Bisha barakeysan ee Ramadaan, si aynu uga faa’iideeysano qiimaha iyo ajarka Bishan Ramadaan ee fooda inagu soo haysa, qiimaheedana u fahano, isla markaana si loo eedamo isla markaana loo tukado si isku mid ah oo aan la loo kala horeyn”.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Anigu Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa aan ku maqnaa Gobolada Beri, si aanu u dardar gelino hawlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo si loo fahmo qiimaha Bisha Ramadaan,haddana waxa aan u baxaya Gobolada Galbeed, marka in dadaalka iyo qiimaha Diinteena suuban ee Islaamka in aanu xoojino ayaanu doonaynaa”.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdilaahi Cabdule oo isna halkaas ka hadlay ayaa si xeel dheer uga waramay qiimaha iyo faa’iidada Bisha Ramadaan leedahay iyo sida ugu haboon ee looga faa’iideeysan karo iyo waliba doorka ay ku leeyihin Imaamyada iyo Mu’adimiinta, waxaanu u soo jeediyey macluumad iyo culuun badan oo ku saabsan dhinaca Bisha barakeysan ee Ramadaan.
Dhinaca kale qaar ka mid ah Imaamyadii iyo Mu’adimiintii ka qeyb galay kulankaas ayaa aad ugu mahadnaqay Wasiirka iyo Agaasimaha Diinta iyo Awqaafta, waxayna sheegeen in wakhti isku mid ah ay Eadami doonaan, Tukun doonaan, oo aan la kala horeyn siin doonin Salaada iyo Eedanka.
Markii uu kulankaasi dhamaaday ayaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliif Cabdilaahi Axmed si toos ah u tagay Gobolada Beri si uu u dardar geliyo hawlaha Wasaaraddiisa iyo si uu bulshada u fahansiiyo Macluumad ku saabsan Bisha barakeysan ee Ramadaan.