Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa daboolka ka qaaday inay qabteen dad lagu tuhmay inay wax ka ogaayeen dilkii habeen hore deegaanka Seemaal ee jiidda Ceelbardaale loogu gaystaty saddex muwaadin oo aan waxba galabsan.
Wasiir Duur, oo goor dambe oo xalay ah u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inay wefti wasiiro ah oo uu ka mid yahay shalay ku baxeen jiiddii dilku ka dhacay islamarkaana ay ku guulaysteen in la aaso maydka saddexdii marxuum iyagoo sidoo kale dejiyay dareen xaasaasi ah oo ka dhashay dilkaas. “Wefti wasiiro ah ayaanu ku gaadhnay deegaankii dhibtu ka dhacday oo wasiirka madaxtooyada, Aniga, wasiirka hawlaha guud iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo xildhibaano ka soo jeeda deegaankaas dadka wax lagu laayay ah.” Ayuu yidhi Wasiir Duur, waxaanu intaas raaciyay “Runtii saddex qof ayaa geeriyooday saddexdii qof waa la aasay, waxa kale oo aan la kulanay dadkii dhibaatadu gaadhay oo runtii aad u cadhaysan, dadkaas waanu dajinay oo waanu wada hadalnay.”
Isagoo ka hadlaya arrimaha ay isla qaateen dadkii deegaanka ay u tageen, wuxuu Wasiirku yidhi “Waxaanuna ku balanay in waxaas dhacay ay ka sugaan xukumada talaabaday ka qaado oo iyaga xagooda wax ficila aanu ka iman, jawigiina jawi nabadgalyo ayaan isla qaadanay waayeelkii iyo ciidan halkaas lagu soo ururiyayba waanu dajinay, waxaanu markaa gabogabadiiba isla qaadanay in la sugo danbiilayaashaa falkaa foosha xun gaystay wixii xukumadu talaabo ay ka qaadayso.”
Isagoo ka hadlaya dadka falkan loo qabtay wuxuu wasiirku yidhi “ Runtii hawshaas wanaag ayaan ku soo dabaalnay, waxaan qabanay dad badan oo la tuhunsanyahay inay falkaas gacan ka gaysteen oo dad aad u badana, waanan haynaa oo magaalada iyo miyiga laga qabtay, waxa kale oo aan qabanay dad hubaysan oo rasaas iyo qoryaba sita. Markaas insha allaah baadhistiina waa ay socotaa, xagayagana dedaal xooga baanu muujinaynaa in dadka falkaas foosha xun gaystay sharciga la hor keeno.”
Wasiirka oo la weydiiyay inuu sii faahfaahiyo dadka ay xukuumadu qabatay wuxuu yidhi “ Waxaanu haynaa waayeelkii reerka oo cuqaal iyo odayaalba ah si aanu xaalada u muujino xumaanta ay leedahay dad cuqaala iyo sheekhii meesha deganaa iyo niman fidna walayaala oo la yaqaano oo uu ka mid yahay nin Daahir-yare la yidhaahdo iyo niman kale oo reer miyi ahba waanu haynaa, sidoo kale waxa aanu doondoonaynaa dad fidnada caan ku ah oo fidnada meeshaas caan ku ah in aan iyana qabano ilaa caawa [xalay] insha allaah.”
Comments are closed.