Wasiirka Daakhiliga Oo Amray In Booyadaha Laga Jaro Turusyada Shilalka Sababa

0
621

Picture4Hargeysa(Geeska):-Ciidamada ilaalada waddooyinka ee loo yaqaano Taraafiga oo kaashanaaya ciidanka Booliska, ayaa magaalada Hargeysa ka bilaabay hawl-galo ay ku hubinayaan Liisamada ay haystaan darawaliinta Booyadaha iyo sida oo kale sidii loo xakameyn lahaa xawaaraha xoogga ah ee ay ku socdaan Booyadaha biyaha u dhaamiya magaalada Hargeysa, kadib markii ay muddooyinkii danbe sababeen dhimasho iyo khasaare aad u badan oo isagu jirta naf iyo maalba oo ka dhashay gaadiid kale oo ay isku dhaceen, waxaana hawl-galkan ilaa shalay galabnimadii lagu arkaayey iyaga oo ciidamadani ka fulinaya jidka dheer ee taga magaalada Barbera.

Dhinaca kalena wasiirka arrimaha gudaha Somaliland iyo Maayirka caasimada Hargeysa ayaa iyaguna digniino adag u diray gaadiidlayda Booyadaha, waxaana ay ugu baaqeen in ay yareeyaan xawaaraha xoogga ah ee ay ku socdaan, sida oo kalena waxaa ay ku hanjabeen in ay Booyadaha ka goyn doonaan Turuska xagga hore ay ku leeyihiin oo ay tibaaxeen in uu dhibaato badan u gaysto gaadiidka kale ee ay isku dhacaan isla mar ahaantaana ay iyagu ka badbaadaan shilka gaadiid ee ay galaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md.Cali Waran-cadde iyo Maayirka caasimada Hargeysa Md.Cabdiraxmaan Soltelko, oo ka hadlaayey aas qaran oo loo sameeyey sadex Marxuum oo u geeroyooday shil baabuur oo ka dhashay isku dhac ka yimi Booyad biyaha u dhaamisa magaalada Hargeysa iyo gaadhi kale, ayaa ku dhawaaqay in ay talaabo adag ka qaadayaan Booyadaha biyaha u soo dhaamiya magaalada Hargeysa oo socod xawli ah ku socda isla mar ahaantaana muddooyinkii danbe sababay shilal aad u tira badan oo keensaday dhimasho iyo khasaare isagu jira naf iyo maalba.

“Waxaan doonaynaa in aanu halkan ka sii dayno in gaadiidkaas Booyadaha ah ay xagga hore kaga xidhan tahay bahal weyn oo Cagaf-cagafta oo kale ah oo loo yaqaano Turus, kuwaasi oo ay xagga hore iyo xagga danbeba ay kaga xidheen Booyadaha, waxaana ay taasi keentay in mar walba ay iyaguna badbaadaan, dadka kalena ay dul-maraan, waxaana aanu amar ku bixinaynaa in aan baabuur danbe oo Booyad ah oo Turus danbe iyo mid hore toona lahi aanu jirin. Ciidamada Taraafigana, waxaan ku amraynaa in ay talaabo ka qaadaan oo aan Booyad Turus leh aanay ka shaqeyn karin biyaha, waxaana ay yihiin waxa ay iyagu ku nabad galaan, ciidamada ilaalada nabad-galyada waxaan faraynaa in ay istaagaan oo ay hawl-galada ka bilaabaan waddooyinka dhaadheer ee ay maraan Booyadahaasi oo loo qabto kuwa qeyru mas’uulka ah ee sida xun wax u wada, ganaax culusna loo saaro”.Ayuu yidhi Md.Cali Maxamed Waran-cadde.

Maayirka Caasimada Hargeysa oo isna halkaas ka hadlay ayaa dhankiisa, waxaa uu isna tilmaamay in ay maalmaha soo socda ay talaabo adag ka qaadi doonaan Booyadahaas, waxaana uu yidhi:“Hawl badan ayaanu ka qaban doonaa arrinkaas Booyadaha iyada oo horena aanu u samaynay in Turuska laga gooyo Booyadaha, hadana aanu sii dar dar galin doono in booyadaha meel inta la dhigo deedna halkaas lagaga gooyo Turuska”.