Wasiirka Cusub Ee Ganacsiga Oo Xilkii Wasaaradda La Wareegay

0
526

Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay xilkii wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga si rasmi ah ula wareegay wasiirka cusub ee wasaaradaas Dr. Cumar Shucayb Maxamed oo uu Madaxweynuhu dhawaan u magacaabay.

1

xafladii xil wareejinta wax aka qayb galay wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiir xigeenka warfaafinta Shukri Xariir Ismaaciil. Wasiirkii hore ee wasaaradaas Xuseen Aadan Cige oo halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa wuxuu ka waramay waxyaabihii u qabsoomay intii uu wasaaradda joogay.

Wasiirka khaarajiga Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiir xigeenka warfaafinta Shukri Xariir Ismaaciil oo halkaas ka hadlay ayaa iyaguna wasiirka cusub Alle uga baryay inuu xilka u fududeeyo.

Waxa kale oo iyaguna munaasibadaas hadal ka jeediyay madaxdhaqameed iyo dadweyne kale oo madasha goob joog ku ahaa kuwaas oo Alle uga baryay wasiirka cusub inuu xilka u fududeeyo.

Wasiirka cusub Dr. Shucayb ayaa ugu dambayn wuxuu halkaas ka balan qaaday inuu awoodiisa iyo aqoontiisa ku dhaqaajin doono wasaaradda iyo horumarkeeda, isagoo shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan islamarkaana ugu duceeyaan in Alle xilka u fududeeyo.