Wasiirka Cukuse Oo Furay Kulan Ku Saabsan Midaynta Ka Hortaga Cudurada Xoolaha

0
507

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda xanaanada Xoolaha Somaliland  Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa  furay kulan lagaga hadlayay midaynta qorshaha ka hortagga cudurada ku dhaca xoolaha.

ccccccc

Kulankan oo soconaya laba cisho ayaa waxa ka qayb galay munaasibadii furitaanka oo shalay ka dhacday magaalada Hargeysa Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir Cakuse, Dhakhaatiir iyo Khubaro ku xeel dheer xanaanada xoolaha, Saraakiil ka socda Midawga Wadamada Afrika iyo Hay'addaha horumarka iyo daryeelka xanaanada Xoolaha.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdilaahi Daahir Cakuse, oo furitaankii kulankan ka hadlay ayaa ka xog waramay qiimaha ay Xooluhu u leeyihiin dadka Somaliland, waxaanu sheegay in Dhaqaalaha Somaliland xooluhu meel muhiim ah kaga jiraan, isaga oo tilmaamay in siyaasada Xukuumadda ee dhinaca Xooluhu ay tahay sidii loo ilaalin lahaa loona daryeeli lahaa Xoolaha iyo sidii la iskaga kaashan lahaa in xoolaha laga badbaadiyo cudurada kala duwan ee ku dhaca, isaga oo midawga Afrika uga mahadceliyey sida ay uga hawlgaleen taaba gelinta horumarka xoolaha iyo sida looga xakamayn lahaa cudurada khatarta ah ee ku dhaca Xoolaha.

Dhinaca kale waxa isna kulankaas ka hadlay madaxa u qaabilsan Midawga Afrika Xoolaha, oo kulankaas ka hadlay ayaa ka waramay ujeedada loo qabtay Kulankan, waxaanu sheegay muhiimada ay leedahay dadaalka iyo daryeelka xoolaha.

Dhanka kale isna waxa halkaas ka hadlay masuul ka socday IGAD, waxaanu isna dhankiisa ka warbixiyey qiimaha ay Xooluhu leeyihiin, waxaanu soo jeediyey in lagu dadaalo xanaanaynta xoolaha, lagana faa'iidaysto kulankan,