Wasiirka Cadaaladda Oo UIo Booc Ah Ugu Tukubaya Shaqo Ka Joojinta Qareenka Keliya Ee U Dooda Xuquuqda Aadamaha

0
558

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka cadaaladda Somaliland Axmed Faarax Cadare, ayaa u muuqda inuu ulo booc ah ugu tukubayo sidii shaqada qareenimo looga joojin lahaa guddoomiyaha hay’adda xuquuqal insaanka Somaliland Guuleed Axmed Jaamac inuu qareenimo kaga shaqaysto maxkamadaha dalka Somaliland.

dddddd

Wargeyska Geeska Afrika ayaa arkay qoraal uu wasiirkani maxkamadda sare kaga dalbanayo in shaqada laga joojiyo Garyaqaan Guuleed oo uu eeddo u jeediyay. Warqada oo ku taariikhaysan April 20, 2016 oo uu wasiirku u dirayo guddoomiyaha Maxkamadda sare, wuxuu ku yidhi sidan “Anigoo tixraacaya qoraalka SUM: XIG/JSL/174/2016  kuna taariikhaysnaa 30/03/2016, kana soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka,ee ujeedadiisu ahayd Guuleed Axmed Jaamac, ninkaas oo sheeganaya inuu yahay Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqul Isaanka (Human Right Center),isaga oo warqad u soo qoray Xeer ilaaliyaha,anigana ogeysiin i soo siiyey warqadaasna aan kuugu soo lifaaqi doono halkan, waxa la sheegaya in ninka qoraalka soo qoray isla markaana leh waxaan ahay Guddoomiyaha Xuquuqul Isaanka, inuu ku shaqeeysto mihnada qareenimo maxkamada ka difaaca dadka, isla markaana dacwada uu hayo ka dhigaya ku xad gudubka Xuquuqul Isaanka, oo uu Hay'addaha ku shaqada leh u sheegayo in lagu xad gudbay xuquuqul isaanka.

Haddaba waxaan kuu soo jeedinaya in laga joojiyo ruqsada qareenimad ee uu ku xad gudbay, madaama uu Guddoomiye ka yahay xarun Xuquuqul Isaan, labadaasina aanay ahayn laba is qabanaya.

Sida daraadeed Muddane Guddoomiye waxaan ka rajaynayaa inaad ka joojin doonto ninka ay ujeedadiisu kor ku xusan tahay.”

Jawaabta Caalamka

Dedaalka uu Wasiirka cadaaladda Somaliland ku doonayo in shaqada laga joojiyo qareen Guuleed Axmed Jaamac, ayaa waxay soo jiidatay indhaha beesha caalamka, gaar ahaan hay’adaha u dooda xuquuqal insaanka, waxaanay durba qaarkood soo saareen baaqyo ay u soo dirayaan dawladda Somaliland.

Hay’adda loo yaqaan Front Line Defenders, ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in talaabada wasiirka cadaaladda Somaliland muujinayso inay la xidhiidho hawsha ilaalinta xuquuqal insaanka ee uu Guuleed Axmed Jaamac hormuudka ka yahay.

Waxay xaruntani tilmaantay in meelaha Guuleed laga raacay ay ka mid tahay haweenayada lagu magacaabo Saado Jaamac Cawad oo uu garyaqaan Guuleed u yahay qareen difaacaya oo u doodaya. Saado ayaa laga soo xidhay magaalada Berbera ee gobalka Saaxil. “Sababahan dartood, Guuleed Axmed Jaamac, wuxuu uga doodayay qaddiyadeeda [Saado] wasaaradda cadaaladda, wasaaradda arrimaha gudaha iyo xeer ilaalinta guud.”

Waxa ay xaruntani sheegtay in talaabadani ka mid tahay talaabooyin ay xukuumadda Somaliland kula dagaalamayso qareen Guuleed. “Fornt Line Defenders, waxay aaminsantahay in shaqo ka joojinta Guuleed Axmed Jaamac ay si toos ah ula xidhiidho shaqadiisa difaaca xuquuqal insaanka, gaar ahaan u doodista Hooyo Saado Aadan Jaamac, ka dib xidhitaankeedii.” ayay xaruntani ku soo gunaanaday hadalkeeda.

Xarunta kale ee lagu magacaabo East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project, ayaa iyaduna dhambaal qaylo dhaan ah ka soo saartay talaabada wasiirka. waxaanay xaruntani tidhi  “ Waraaqda Wasiirku soo saaray oo ku taariikhaysan 10ka April 2016, waxa Wasiirku ku eedeeyey Guleid xadgudub maadaama oo uu isku hayo qareenimo iyo gudoomiyinimada urur xuquuqda aadanaha u dooda. Guleid iyo Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay 16kii March uga doodeen dacwadda Saado Jaamac Aadan oo ah qof shacab ah oo booliisku soo xidheen ayna dacwad kaga hor oogeen maxkamad ciidan iyada oo loo diiday inay la kulanto qareen.”

Xaruntani waxay sidoo kale talaabada wasiirka la xidhiidhisay kiiska uu Guuleed difaacayo ee hooyo Saado Jaamac Cawad. “DefendDefenders wuxuu canbaaraynayaa xad gudubka awoodeed ee uu ku kacay Wasiirku iyo is hortaagga uu iska hortaagay Guled inuu guto hawshiisa xuquuqal insaan. Waxayna ugu baaqaysaa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland inuu buriyo go’aanka oo uu u ogolaado Guled inuu ku shaqaysto qareenimada, siina wato hawsha muhiimka ah ee xuquuqal insaan ee uu hayo  islamarkaana uu xor ka noqdo kadeed maamul iyo mid sharci.”

Yaa qareen shaqada ka joojin kara?

Dad badan oo aqoon u leh arrimaha qareenimada, ayaa aaminsan in cidda awood u leh in qareen shaqada laga joojiyaa ay tahay guddiga u xilsaaran ruqsad siinta iyo anshax marinta qareenada Somaliland.

Somaliland waxay leedahay Xeerka Qareenada, Xeer Lr. 30/2004, oo ah xeer Baarlmaanku ansixiyay madaxwaynuhuna saxeexay. Xeerkaasi wuxuu abuurayaa Gudi u xilsaaran ruqsad siinta iyo anshaxmarinta qareenada.

 Qodobka 13 ee Xeerka Qareenadu wuxuu sheegayaa in Gudida Ruqsad Bixinta iyo Anshax marinta Qareenadu ay awood u leeyihiin guud ahaan anshaxmarinta qareenada gaar ahaan awoodda inay ka qaadaan ama ka laalaan qareen ruqsad iyada oo loo raacayo qaabka ku xusun qodobka 14aad ee Xeerka Qareenada oo tilmaamaya falalka qareen ku waayi karo ruqsadiisa. Falalkaas oo ah hadii uu galo dembiyo culus sida hadii uu laaluush siiyo garsoore, hadii uu markii hore khiyaano ku helay ruqsadda, hadii ay burto shuruudihii markii hore lag siiyay iyo hadii uu ku shaqaysto ruqsadda iyada oo laga hakiyay.

Gunaanad

Sida laga dareemi karo dhawaaqa hay’adaha caalamka ee xuquuqal insaanka, waxa ay shaqo ka joojinta Guuleed lagula ordayaa la xidhiidhaa arrimo kale oo ka baxsan mihnadiisa sida kiiska hooyo Saado Jaamac Cawad oo uu u yahay difaace xuquuqdeeda u doodaya.

Sidaas darteed, waxa laga yaabaa in talaabada wasiirka cadaaladu ay Somaliland ku soo jeediso indhaha hay’adaha xuquuqda aadamaha difaaca ee caalamka.