Wasiirka Boosaha Oo Shalay Lagu Wareejiyay Wasaaradaas

0
681

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka dhawaan loo magacaabay Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland   Maxamuud  Sheekh Cabdilaahi Cige    ayaa si rasmiya xilkii ugala wareegay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boosaha Garaad Cismaan Garaad Soofe oo isagu si ku meel gaadh ah u sii hayey.

Munaasibadii xil wareejinta oo shalay lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Boosaha ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Boosaha, Wasiir ku xigeenka Boosaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimayaasha Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda, Shirkadaha Isgaadhsiinta dalka ,Agaasimaha Dawladdaha Hoose, Komishanka ICT-ga, Guddoomiyaha Sonyo, Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda iyo marti sharaf aad u tiro badan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha Faysal Cali Sheekh Maxamed, waxaanu ka xog waramaya marxaladihii kala duwanaa ee Wasaaraddu soo martay, halka ay  maanta marayso, halka ay hiigsanayaan, xidhiidhka wada shaqeeyn ee ay la leeyihiin Shirkadaha isgaadhsiinta, waxaanu sheegay inay ka hawlgelin doonaan arimo badan oo ay ka mid yihiin Tawarada,oo uu sheegay inay daraasad iyo baadhitaanu ku sameeyn doonaan, oo ay eegi doonaan wax-tarkooda iyo wax-yeeladoodaba waxaanu yidhi “Waxa noo qorsheysan runtii hawlo fara badan,oo ah mid aanu imika gacanta ku hayno oo Baanka Adduunka la wadno, oo ah mashruuc loo sameeynayo qaybo ka mid ah Wasaaraddaha Dawladda,oo Baanka Adduunka runtii aanu isla aqbalnay,oo runtii kulamo fara badana aanu yeelanay, sida ugu dhakhsaha badana aanu rajaynayno inay Wasaaradda xudun u noqoto, shaqadaasina ay si dhakhso ah u bilaabi doonto, haddii ILLAAHAY yidhaahdo”.

Guddoomiyaha Komishanka ICT-ga Eng: Cali Cabdilaahi iyo  Cali Maxamed Saalax (Cajab), oo ka tirsan Shirkada Telesom kuna hadlaayey afka Shirkadaha, Agaasimaha Dawladda Hoose  Maxamed Cabdilaahi Xaashi Xamari   iyo Guddoomiyaha Daladda Dhalinyarada Sonyo Siyaad Cumar Cali oo dhammaantood munaasibadaas ka hadlay ayaa ka waramaya qiimaha ay Wasaaradda Boosuhu dalka u leedahay, waxayna sheegeen inay tahay Wasaaradda balaadhan, waxayna tilmaameen inay Wasiirka cusub ee Wasaaradda garab taagan yihiin una ducaynayaan.

Wasiir ku xigeenka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Garaad Cismaan Garaad Soofe si ku meel gaadh ahna xilka Wasiirnimo u sii hayey tan iyo wakhtigi xilka laga qaaday Wasiirkii hore oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inuu gacmo furan ku soo dhaweeynayo Wasiirka Wasaaradda waxaanu yidhi “Sida uu Agaasimaha guud sheegay waxaanu wadnaa hawlo badan oo baaxad leh Baanka Adduunka ilaa  iyo 2018 inuu Wasaaradda wax badan ka qaban doono, meel gabagabo ah ayey hadeer noo maraysaa, isaga oo Wasaaradda ka kaabi doona arimo fara badan”.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boosaha ayaa sidoo kale sheegay inuu Wasiirku ku soo beegmay wakhti wanaagsan, oo ay Wasaaradda wax badani u qabsoomeen.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Boosaha Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu la wareego xilkan wasiirnimo, waxaanu tilmaamay inay Wasaaraddani tahay Wasaarad balaadhan, waxaanu si gaar ah u tilmaamay in garbihiisa taagan yihiin Wasiir ku xigeenka Wasaaradda oo uu ku tilmaamay inuu yahay Oday ama Garaad ruug caddaya iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda oo uu isna ku tilmaamay inuu yahay Suxufi ruug caddayaa, waxaanu xusay inuu xilka loo igmaday uu si wacan uga soo bixi doono, ugu dambayntiina xilkii ayey si rasmiya ula kala wareegeen.