Wasiirka Boosaha Oo Ka Hadlay Hadalkii Madaxweyne Siilaanyo Ee Doodda Abuuray Iyo Tabashada Awdal Ee Sami Qaybsiga Wadanka

0
526

Picture10Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Md. Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa ka hadlay, dhawaaq la sheegayo inuu Madaxweyne Siilaanyo ku tiraabay, kaas oo dareen iyo doodo badan ka dhaliyay gudaha iyo dibadda wadanka.

Wasiirka wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland oo qaar ka mid ah warbaahinta Maanta kula hadlay xafiiskiisa ayaa waxa kale oo uu ka hadlay tabashadii ay madaxweynaha ula yimaadeen odoyaasha reer Awdal, waxaanu  ka war bixiyey guddidii uu madaxweynuhu arintaas u saaray iyo halka hawshu u marayso.

Ugu horayn wasiirka boosaha Maxamed Jaamac Abgaal oo ka hadlaya jawaabaha ay mucaaridku ka bixiyeen  ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay  sidan “Madaxweyne ku fadhiya kursiga codka shacabka, codka shacabka iyo qaabkii aynu doorashada u qabanayna waxay salka ku haysaa dastuurka dalkeena, dastuurkuna sida uu dhigayo waa qaabka ay maanta u dhisan tahay xukuumada dalkeenu waana madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen wixii intaas ka hooseeyaan waa gole wasiiro, wasiirkuna wasaarada uu joogaa tay doonto ha ahaato waxay ku  soo baxaan digreeto isku mid ah oo madaxweynaha qaranku soo saaro, qaabkaas waxa ka duwan ee dalka lagu dhaqayo madaxweynaha oo kaliya xilkaasi ma saarna ee waa mid ku salaysan dastuurka dalka, haddii madaxweynuhu yidhaahdo waxay noqon karan erayo kaftan ah, mid aan loogu tala galin ayaa qofka ka soo bixi karaa.”ayuu yidhi wasiir Abgaal

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in hadalkii ka soo baxay madaxweynaha somaliland ee uu wasiirka madaxtooyada ku tilmaamay wasiirka wasiirada  uu yahay mid aan macno badan lahayn waxaanu yidhi “Wasiirka  wasaarada madaxtooyada shaqadaas uu la hayey madaxweynaha ayaa laga yaabaa inuu sidii saxda ahayd ee uu xilka uu  u saaray uga soo baxay, laakiin wasiirkaas iyo anigu waxaanu qaranka u haynaa laba wasaaradood oo isku mid ah wax aanu ku kala duwanahayna ma jiro, intaas oo wasiir oo qaranka xil u haysaa wax ay ku kala duwan yihiin ma jiraan, haddii ay jiraan dad doonaya inay sidaas u dhigaan waxaan leeyahay waa wax aad u liidata oo aan macno badan samaynayn.”

Wasiirka boosaha oo ka hadlaya tabashada ay reer Awdal ula yimaadeen madaxweynaha somaliland ayaa waxa uu sheegay inay reer Awdal tacab badan gashadeen dalka isla markaana la dhagaysanayo tabashadooda waxaanu yidhi “Marka loo yimaado reer Awdal waxaan qabaa inay reer Awdal yihiin dadkii dalkan lahaa walibana inay wax badan gashadeena tuhunsan oo dareensan, haddii ay wax tawdaan waa xaq  sidii nidaamka iyo dawladnimadu ahayd ee asluubta ahayd  ayey ku fiican tahay in loo soo maro iyaguna maalmahan nidaamkaas way soo mareen, anaga oo la socona madaxweynaha oo joogna qalin jabintii ardayda jaamacada Camuud toos ayey madaxweynaha isku arkeen waanu la balamay.”

Wasiirka Abgaal oo ka hadlaya kulankii ay wada yeesheen madaxweynaha iyo madax dhaqameedka reer awdal ayaa waxa uu yidhi “Balantii markii ay ku yimaadeen miiska dushiisa ayey ku wada hadleen si wanaagsan oo gun iyo baar leh oo tabasho ayey ka wada hadleen, madaxweynuhuna wakhti badan ayuu siiyey dhagaysiga tabashooyinkii odayada beeshaasi, dabadeed madaxweynuhu qaabilaad fiican ayuu u sameeyey si wanaagsana wuu u  maamuusay iyaga oo is fahansana waxay ku noqdeen gobolkii sababta ay u noqdeena waxa weeyaan hawshii ayaa meel la saaray.”

Ugu danbayntiina wasiirka boosuhu waxa uu difaacay guddida madaxweynuhu u saaray ka soo tala bixinta tabashada reer Awdal waxanu yidhi “Madaxweynuhu xil ayuu iska saaray waxaanu u magacaabay xubno wasiiro ah oo hubisa ilaa heerka ay jirto tabashadani kana soo tala bixisa wixii imika la qaban karo iyo wixii kale, in gudi loo saaro tabasho cid ka timid gobol ama beel  waa shaqadii oo socota, madaxweynaha kaligii markay hawl intaas leegi la soo gudboonaato golihiisa wasiirada ayuu u dirsanayaa, beeshiisuna waa golaha wasiirada marka ay cidi soo cabatana inuu golihiisa wasiirada u dirsado oo hawshii wax laga soo qabto dabadeedna la soo gudbiyo wixii qaran ee laga wada gaadhay.” Ayuu yidhi wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal