Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiintu Door Intee Leeg Ayuu Ku Lahaa Xukunka Nus Milyanka Dollar Ah Ee Dhallinyarada Lagu Xukumay?

0
1095

Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ayaa gacan ka gaysatay xukun ay maxkamadda rafcaanka ee gobalka Maroodi-jeex ku riday dhallinyaro lagu eedeeyay inay dhaawacyo gaadhsiiyeen xadhiga shirkadda Somcable ee dhulka hoostiisa mara.

Sida ku cad xukunka maxkamadda qodobka 4-aad, wasiirka boosaha iyo Isgaadhsiinta Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi,  ayaa maxkamadda u qiimeeyay xadiga lacageed ee dhaawaca ay maxkamadu sheegtay inuu soo gaadhay xadhiga shirkadda Somcable, kaas oo uu isagu xadiday lacagta aadka u badan ee lagu xukumay kooxdan ku eedaysnayd inay waxyeelo u gaysteen xadhiga shirkada Somcabel.  Lacagtaas ayaa dhan $ 652,120 oo dollar.

Waxaana la sheegay in xadhkanhan laga waxyeeleeyay Diinqal,Badarwanaag,Waraabaley iyo Harasheekh. Hadaba qodobka 4-aad ee ay maxkmadu cuskanaysay ayaa uu ka soo muuqday doorka ay wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiintu ka ciyaartay xukunka lacagtan aadka u badan ee hadal haynteedu ay qabsatay suuqa,  waxaanu xukunka maxkamadu yidhi sidan “ Iyada oo eedaysanaha 1-aad uu u diray eedaysanaha 2-aad  googoynta xadhkahaas, eedaysanaha 2-aadna uu googooyay eedaysanaha 3-aad iyo 4-aadna ay ahaayeen abaabulayaashii iyo qorsheeyayaashii fulinta falkaas googaynta xadhkaha, eedaysanaha 5-aadna uu yahay isku xidhaha 1-aad iyo 2-aad, si ay uga wada shaqeeyaan jarjarida xadhkahaas Cable-ka ee dhulka hoostiisa mara khasaarahaas oo dhan 652,120 ( lix boqol iyo laba iyo kontan kun boqol iyo labaatan doolar) sida ku cad warqada wasiirka wasaarada isgaadhsiinta iyo tignoolajiyada ee sumadeedu tahay WIT/XW-01/18/2018 ee 04/06/2018.”

Eedaysanayaashan xukunku uu ku dhacay ayaa kala ah 1- Maxamuud Cismaan Khayare , 2- Cumar Xuseen Cabdi, 3-Cabdiqaadir Nuur Maxamed, 4-Baashe Xasan Maxamed, 5-Cabdilaahi Cali Muxumed oo isagu maqane ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here