Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Oo Geeska Afrika Uga Waramay Weerarkii Gurigiisa Lagu Rasaaseeyay

0
595

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, Maxamuud Cabdilaahi Cige, oo Gurigiisa weerar lagu qaaday, ayaa ka hadlay weerarka lagu qaaday  Gurgiisa.

Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, Maxamuud Cabdilaahi Cige, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah la yeeshay ayaa sidoo kale Bulshada reer Somaliland baaq u diray, waxaana ugu horeyn anagoo wax ka weydiinay sababta keentay in gurgiisa la soo weeraro, iyo cida uu ku tuhunsan yahay uu ku jawaabay “Waa dhab oo Gurigayga waxa lagu soo qaaday weerar, waana la rasaaseeyey, balse ilaa hadda garan maayo cidda rasaasaysay, ama weerarka geysatay, cid aan tuhunsanay ama aan odhan karo cidaas ayaa weerarka igu soo qaaday garan maayo, cid aanu is haysano, cid ay wax naga dhexeeyaan iyo cid cadaawad na dhex taalo  midna ma jirto, balse arinta gacanta ayaa lagu hayaa, waana la baadhaya, badhitaanka ayaana wax walba lagu ogaan doonaa”. sidaas ayuu ku jawaabay wasiirku.

Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiintu mar uu baaq u diraayey Bulshada wuxuu yidhi “Bulshada reer Somaliland waa Bulsho aad u wanaagsan, guud ahaan waxaan u soo jeedinayaa inay nabadgalyada ilaaliyaan, inay iska dhex qabtaan qof walba oo dhexdooda dhib ka wada, inay Ciidamada la shaqeeyaan, oo dhib walba oo amaanka lid ku ah haddii ay arkaan inay Ciidamadooda la soo socodsiiyaan, barwaaqo iyo badhaadho ayaan u rajaynayaa oo ILLAAHAY uga baryayaa iyo inuu abaarta ka dul qaado oo nimcadiisa iyo raxmaadkiisa oo khayr qaba uu inoogu bedelo”.