Hargeysa(Geeska)-Wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland Md. Baashe Cali Jaamac, ayaa shalay madaxweyne-xigeen Saylici u cidleeyay xaflad lagu dhagax dhigayay dhisme wasaaradaas loo dhisayo oo shalay si rasmi ah uu u dhagax dhigay madaxweyne-xigeenka oo uu weheliyay guddoomiyaha iyo murashax KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
Munaasibadaas ayaa mar keliya laga waayay wasiir Baashe Cali Jaamac oo magaalada jooga, waxaana bedelkiisa munaasibada madaxweyne-xigeenka kala qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradaas oo madaxweyne-xigeen Saylici la dhagax dhigay dhismaha.
Maqnaanshaha wasiir Baashe ayaa loo sibir saarayaa loolankii dhawaan dhex maray madaxweyne-xigeen Saylici iyo wasiirka caafimaadka Dr. Xaglotoosiye, kaas oo ahaa loolan adag oo aan dhinacna dhinaca kale waxba ula hadhin, iyadoo uu wasiir Baashena ahaa gacanta midig ee qorshaynaysay ololihii wasiir Saleban Ciise Xaglotoosiye. Sababta uu Saylici shalay uga qayb galay dhagax dhiga dhismahaas ayay dadka qaar ku tilmaamayaan inay ahayd talaabo uu Saylici ku doonayay inuu ku soo dhawaysto siyaasiyiinta reer Sool ee ay isku seegeen loolankaas, iyadoo uu wasiirkan Baashena ka mid yahay siyaasiyiinta ugu culus gobalka Sool.