Guddigii Wada Hadalada Ee Somaliland Oo Noqday Kuwo Is Casilay Iyo Kuwo Ay Madaxweyne Siilaanyo Kala Fogaadeen

0
576

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddigii Somaliland u qaabilsanaa wada hadalada Somaliya ee ka tirsanaa dawladda Somaliland ayaa marka laga reebo hal xubin waxay ka mid noqdeen masuuliyiintii iska casilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo kuwo ay Madaxweyne Siilaanyo kala fogaadeen.

Guddiga wada hadalka oo ka koobnaa wasiiro, xubno ka tirsan shirguddoonka guurtida iyo wakiilada iyo xildhibaanka guddoomiyaha ka ah guddiga golaha wakiilada ee arrimaha dibadda, ayaa u muuqda inay ka baxeen meesha, waxaana ka hadhay oo keliya guddoomiye xigeenka Guurtida Siciid Jaamac Cali.

Guddigii ka qayb galay wada hadaladii u dambeeyay ee Somaliland iyo Somaliya loo qabtay ayaa ee qaarkoodna is casilay qaarkoodna ay madaxweyne Siilaanyo kala fogaadeen waxay kala yihiin:

1. Wasiirkii khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis

2. Wasiirkii madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan

3. Wasiirkii waxbarashada Faarax Geedoole

4. Wasiirkii arrimaha bulshada Cabdi Aw Daahir Cali

5. Guddoomiey-xigeenka golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax

6. Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda golaha wakiilada Axmed Cabdi Kijaandhe

Is casilaadii wasiirada iyo khilaafkii ka dhashay shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa markaas la dareemayaa inay saamayn ku yeesheen danaha kala duwan ee qaranka, waxaana muuqda inkastoo ay wada hadaladii Somaliya xanibmeen haddana haddiiba ay dib u furmaan in loo baahan doono dad cusub oo ka socda Somaliland oo bilaaba wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee mudada soo socday.

Si kastaba ha ahaate, waxa la dareemi karaa ilaa heerka saamayneed ee uu yeeshay  khilaafkii ka dhashay xisbiga KULMIYE, waana sababta ay dadka siyaasadda Somaliland faaqidaa u aaminsanyihiin in khilaaf ka dhex dhaca xisbiga haya talada Somaliland uu saamayn ku yeelanayo danaha guud ee qaranka.