Wasiirka Beeraha Oo Dhagax Dhigay Xarun Cusub Oo Laga Dhisayo Shaybaadhka Beeraha

0
516

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dr Maxamed Aw Daahir Ibraahim ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo  laga dhisay Shaybaadhka Beeraha, waxaana dhismahan cusub laga dhisay Wasaaradda Beeraha dhexdeeda.

1

Munaasibadii lagu dhex dhigaayey xarunta cusub oo shalay ka dhacday Wasaaradda Beeraha ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Beeraha, Wasiir ku xigeenka Beeraha, Agaasimaha Beeraha, Masuuliyiin ka socda Hay’adda FAO iyo marti sharaf tiro badan, waxaana ugu horeyn munaasibadii dhegax dhiga ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax waxaanu yidhi “Waxaanu halkan ku dhagax dhigi doonaa Laab ama Shaybaadh weyn oo la dhisi doono, waxa halkan ku dhagax dhigi doona Madaxda Hay’adda FOA iyo Wasiirka Beeraha, waxa halkan taagan sida aad aragtaan Shirkadii heshay dhismaha oo Red Sea la yidhaahdo, oo qalab wanaagsan ku labisan”.

Dhanka kale Agaasimuhu waxa uu sheegay in Hay’adda FOA aanay ka caawin oo qudha dhismaha ee ay ka caawiso waxyaabo badan oo uu sheegay inay ka mid tahay ka hor taga Ayax oo meel ka mid ah Somaliland lagu arkay, waxaanu tilmaamay inay iyagu ka Wasaarad ahaan dadaal badan oo dhinaca Beeraha ah wadaan.

Madaxda Hay’adda FOA ee dhinaca Beeraha oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in Hay’adda FOA, waxyaabo badan Wasaaradda Beeraha la garab taagan tahay, diyaarna u tahay inay wax la qabato, waxaanu xusay in mashruuca dhismahan uu Midawga Yurub bixiyey, Hay’addana fulisay.

Madaxa Hay’adda FOA ee Hargeysa Maxamed Jaamac oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu halkan iskugu nimid inuu Wasiirku dhagax dhigo Shaybaadh iyo Dhismayaal Wasaaradda qaybteeda badbaada Beeraha iyo qalabayn lagu sameeyn doono Gaadiid iyo Tababaro badan kor loogu qaadayo shaqaalaha xirfadooda, dhagax dhigaas iyo dhismahaas ayaa ka mid ah  barnaamujyada ay Wasaaraddu sida muga leh u codsatay”.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dr Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Wasaaradda Beeruhu ay yeelato Shaybaadh lagu baadho Beeraha, waxaanu tilmaamay in Shaybaadhkani wax badan tari doono, waxaanu u mahadnaqay Midawga Yurub iyo Hay’adda FOA, waxaanu sidoo kale ka xog waramay tirade Beeraha ee dalka ku yaala iyo xaaladadooda, waxaanu ku guubaabiyey Beerlayada inay ku dadaalan wax beerista, waxaanu tilmaamay in inta uu yahay Wasiirka Beeraha inuu dadaal xoogan muujin doono, ugu dambeyntiina dhismahaas ayuu dhagax dhigay