Wasiirka Arimaha Dibada Oo Sheegay Inay Midowga Yurub Ku Qanciyeen In Somaliland Ka Meeqaam Sareyso Somaliya

0
620

Picture5Hargeysa (Geeska) – Wasiirka wasaaradda arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa shirkiisii jaraa’id ee u horeeyay ku faahfaahiyey waxyaabaha u qabsoomay mudada uu xilka hayo, qorshayaashiisa cusub iyo arimaha ay ka mid yihiin wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka oo shalay saxaafadda kula hadlayey huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahiyey sababaha xukuumadda Somaliland u diiday inay ka qayb-gasho shirka dawladda Soomaaliya loogu qabanayo Magaalada Brussels ee dalka Biljamka iyo aragtidiisa la xidhiidha wadahadallada u socda Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka oo ugu horeyn ka hadlaya waajibaadkiisa shaqo iyo sida ay u kala horeeyaan ayaa yidhi “Xilka ugu weyn ee I saarani waa inaan qadiyaddeena iibiyaa, oo aan gees dheer iyo mid hoosaba u fuulo oo aanan ka xishoon waxa danta umaddu tahay, albaab kastana aan garaaco, waxaan aaminsanahay hawl badanbaa inoo qabsoontay oo wadahadallo ayaa ka socda Turkiga, wadahadalladaasi waa bilow fiican, waana guul aynu gaadhnay, Siyaasadda aan ku shaqeynayaa waa mid casri ah, oo ah inaynu la hadallo qof kasta oo dani inagaga xidhan tahay, waana ajandahayga ugu weyn inaynu la xisaabtano hay’addaha caalamka ee ay ka mid yihiin IGAD, AU, Jaamacadda Carab, Qaramada midoobay, Ururka waddamada Islaamka, ururka barwaaqo sooranka, wadamada xubnaha ka ah golaha amaanka qaramada midoobay, dalalka ay taladu ka go’do iyo wadamada aynu deriska nahay, shaqadeyda ugu weyni waa inaan qadiyaddan (qadiyadda Somaliland) iibiyo, waana hawl aan jecelahay inaad igu taageertaan, siyaasadda ay ku shaqeynayaa waa mid caddaan ah oo aan waxba la idinka qarin doonin,  markaa inaan idin tixgaliyo oo aad wax ila qabataan ayaan idinka filayaa (saxaafadda), oo aynu gacmaha is wada qabsano haddii aynu nahay reer Somaliland”

Wasiirka arimaha dibada Somalliland, waxa kale oo uu ka hadlay safar uu ku tagay dalka Kenya iyo waxyaabaha uu kala soo hadlay madaxda EU oo ay Nairobi ku kulmeen “Sidaad ogtihiin waxa Madaxwaynaha iyo dawladda Somaliland ku dhawaaqday in aanay marnaba marti u noqonayn meel Somaliya iyo dad kale wada joogaan, Somaliland waa dal madax banaan, markaa waxaanu goosanay in shirka 16-ka bisha September ka dhacay Brussels in aanaan ka qaybgalin, waayo shirkaasi waa shir loo qabanayo dawladda Muqdisho iyo EU, dabcan annagu waanu u baahanahay EU oo dhaqaale waanu u baahanahay oo way nala shaqeeyaan” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Nimankii EU-da ee aanu Nairobi ugu tagnay iyo kuwii Brussels nooga yimidba waxaanu u sharaxnay qadiyadayada, in Somaliland meel sare gaadhay oo halkan maanta Xamar mareyso 17 sano ka hor ayaanu joognay, markaa muhiimada ugu weyn ee aan Nairobi u tagay waxay ahayd taasi, markaa barri (maanta) koox ayay soo dirayaan EU-du, way naga garowsadeen in qadiyadayadu ka duwan tahay ta Xamar, horumarka halka aanu ka maraynaa ay ka duwan tahay, sidaa daraadeed waxaanu ka codsanay inay noola Macaamilaan si ka gedisan ta Xamar, wadahadalladiina way noo socdaan oo waanu ku qancinay, markaa Barrito (maanta) ayay imanayaan EU-da, DANIDA, DFID, World Bank, waxaanuna ku talo jirnaa inaanu aragno oo aanu aad ugu sii sharaxno”

Wasiirka oo la waydiiyey halka uu ku dambeeyay go’aankii Somaliland ku mabnuucday xafiiska UNSOM ayaa ku jawaabay “Waxaad I waydiiseen halkuu yaalaa arinkii Somaliland ee ku lug lahaa xafiiska cusub ee qaramada midoobay (UNSOM) iyo Nickals Kay, horta Nickals Kay waa qof aan aqaano, safiirka Ingiriiska ee Suudaan ayuu ahaa waanu ila shaqeyn jiray, waxa laga yaabaa inaad aragteen isaga oo I tahniyadeynaya, hase yeeshee qaraarka Somaliland ka qaadatay ka midbaan ahaa waanan kala taliyey, waxaanan aamisanahay inaan waxa isaga loo Magacaabay aanu ahayn wax ina khuseeya, in loogu talogalay Soomaaliya hub ka dhigisteeda iyo hawl gaar u ah dawladda Xamar” ayuu yidhi waxaanu intaasi raaciyey isaga oo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey waxa uu kala socdo wadahadallo Madaxwaynaha Puntland sheegay inay Somaliland u socdaan “Wadahallada uu Madaxwaynaha (Puntland) leeyahay Somaliland bay noo socdaan dhab ahaan si aad ah ulama socdo  wadahadalladu waxay ahayd, laakiin waan soo dhaweynayaa inaynu la hadalno oo wixii inaga dhaxeeya aynu kala hadalno”

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo uu ka hadlay heshiiskii maamulka hawada “Arinka hawada waxaan u arkaa guul la gaadhay, waxaan Nairobi kula ninka ku xiga Nickalas Kay, arinkan sidii loo gali lahaa ee guddidii (Loo samayn lahaa) sidii lacagta loo qaybsan lahaa iyo in hawsheedii la galo (ayaan kala hadlay), wasiirka hawada Somaliland-na waan kala hadlay oo waanu isku imanaynaa”ayuu yidhi.

Dhanka kale, wasiirka arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ahayd markii ugu horeysay ee uu si buuxda warbaahinta u soo hor fadhiisto ayaa ka cudur daartay in la waydiiyo su’aalo aan khusayn shaqada uu qaranka u hayo, oo la xidhiidha arrimaha beelaha oo ay siyaasiyiinta dalku ku mashquulaan, isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi “Haddii la I waydiiyo shirka beesha reer Hebel maxaad ka qabtaa waxaan ka jawaabayo maaha.” Ayuu ku yidhi weriyayaashii uu la hadlayay.