“Wasiiradda Iyo Masuuliyiinta Xilalka Umadda Haya Haddii Ay Khalad Galaan, Waa In Talaabo Adag Laga Qaada”

0
643

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur)

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Cadaalada Somaliland, waxaanu tilmaamay in hadalkaasi uu ahaa mid meel ka dhac ah oo aan haboonayn, waxaanu sheegay marar badan inay dhacday Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda inay hadalo gef ahi uu ka soo yeedhay, wax laga qabtayna aanay jirin.

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay qoraal uu Xisbigoodu u gudbiyey Shir gudoonka Wakiilada, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlayay  Wasiirka Cadaalada “Ciidamo inaga goostay halkii laga murugoon lahaa in wax yar oo fudud lagu tilmaamo oo la yidhaahdo waxay ahaayeen Ciidamo aynaan u baahnayn waa ayaan daro weyn, hore waxaynu u ogeyn wixii ku hadlaayey Taliyaha Ciidanka Qaranka, haddana Wasiirka Cadaalada wuxuu ku hadlaayey weynu arkaynay, talaabooyin laga qaadayna ma jiraan, cid wax ka qabatayna ma jirto, Madaxweyne ka damqaday ama raaligelina ka bixiyey ma jiro, markaas Wasiiradda iyo Masuuliyiinta xilalka umadda haya  haddii ay khalad galaan, ama hadalo gef ahi ka soo yeedho waa in talaabo adag laga qaadaa, oo waajibkooda la mariyaa, balse raali ayaa lagala yahay qaabka ay u hadlayaan, haddii aan raali laga ahayna waa laga damqan lahaa waxay ku hadlayaan, oo Madaxweynuhu xilka ayuu ka qaadi lahaa, waxaana xaqiiqo ah in dadkii la rabay inay isku soo dhawaadaan, inay hadda sii kala durkayaan, oo la sii kala fogeynayo, oo la sii kala didinayo”.

Mar uu ka hadlaayey qoraal ay Shir gudoonka Wakiilada ay Xisbi ahaan u gudbiyeen ayaa yidhi “Qoraal ayaanu u gudbinay Shir gudoonka, qoraalkaas oo aanu kaga hadlaayno xubnaha uu Madaxweynuhu magacaabay iyo qaabka aanu sharcigu raali uga ahayn, sababtoo ah Cabdirashiid Riyo –raac weynu ogeyn oo wuxuu ahaa XIsbiga Kulmiye oo olole ayuu u galay, waxaa kale oo aynu ognahay in Inantan uu ku soo daray Madaxweynuhu xubnahan uu magacaabay inay iyana Komishankii hore ka tirsanayd Komishankii horena waanu diidanayn, in la soo celiyo cid ka mid ahna waa sharci daro”.

Dhanka kale Xisbiga UCID isna dhankiisa warqad qoraal ah ayuu u gudbiyey Sihr gudoonka Golaha Wakiilada, oo uu kaga cabanayo xubnaha uu Madaxweynuhu u gudbiyey Wakiilada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here