“Komishan La Diidanaa, In Xubin Ka Mid Ah La Soo Celiyo Ma Haboona”

0
741

Xildhibaan Saleebaan Garas

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay xiisada ka taagan xubnaha uu Madaxweynuhu u gudbiyey shir gudoonka Wakiilada iyo diidmada ay diidan yihiin Xisbiyada Mucaaradku, waxaanu tilmaamay in haddii markii hore laga heshiiyey in Komishanka hadda jooga la kala diro in sharciyan aanay haboonayn in la soo celiyo xubno ka mid ah.

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku taliyey in la xoojiyo oo awooda la saaro wax soo  saarka iyo beeraha dalka, waxaanu ugu horeyn yidhi “Khilaaf ayaa muddo dheer  taagnaa, oo waa tii la isku hayey Komishankan hadda jooga ee wakhtigu ka sii dhammaanayo inay Doorashada qabtaan iyo in aanay qaban, ugu dambayntii waa laga heshiiyey, oo waxaa lagu heshiiyey in aanay Doorasho qaban, oo Komishan cusub ay yimaadan, markaas haddii Komishan la diidanaa oo lagu heshiiyey inay meesha baneeyaan in xubin ka mid ah la soo celiyo ma haboona, mindi mindi ku taagna ma wacna, ee waxaan anigu odhan lahaa wax kasta oo la isku hayo ha laga heshiiyo”.

Mar uu ka hadlaayey wax soo saarka dalka ayaa uu yidhi “ILLAAHAY oo qudha ayaa deeq bixiye ah,cid kale oo deeq bixisaa ma jirto, ee yeynaan isku halayn Hay’addaha qaandhanka bixiya, ee inagu awooda aynu saarno sidii dalkeena u beeran lahayn, wax soo saarna ula iman lahayn, waxaana hubaal ah haddii aynu inagu dalkeena beerano inaynu ka maarnayno wax badan oo dibadda inooga yimaada”.

Dhanka kale wuxuu ku taliyey in aad looga dheerado oo aad looga feejignaado wax kasta oo khatar ku ah nabadgalyada iyo qaranimada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here