Wasiir-xigeenkii Caafimaadka Oo Ka Hadlay Sababta Xil Ka Qaadistiisa Keentay

0
604

Hargeysa(Geeska)-Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada caafimaadka Somaliland Xasan Daahir Dhinbiil, ayaa ka hadlay sababta uu u aanaynaayo xilka qaadistiisa.

Waxa uu Xasan Daahir sheegay in xukuumadu ay u malaynayso doorashada maayarka cusub lagu doortay Saylac inuu dabada ka riixayay, waxaanu iska fogeeyay doorashada maayarkaas inuu dabada ka riixayay. waxa uu sidan ku sheegay wasiir ku xigeenkii hore ee caafimaadka ee xilka laga qaaday waraysi uu siiyay shabakada Hadhwanaagnews, waxaana isaga oo aragtidiisa xika laga qaaday ka hadlaaya uu yidhi"Waa arin wanaagsan xilku waa meerto maalinba nin ayuunbaa jooga waanan ku mahadinayaa,xil-isaarnaan lahaa ayuunbaa lay fududeeyay."

Xasan Daahir waxa uu ku sheegay sababta xilka looga qaaday sidan"dad ayaa u haysta in qadiyada Saylac ee maayarka lagu doortay inaan anigu dabada ka wado iyada oo arin sharci lagu doortay oo badhasaaabkii uu joogay  oo wasaarada arimaha guduhu ay amar siisay oo xeer 23 uu sheegay in ninka maayarka ah ee la doorto ay golaha deegaanku doortaan, markaas rag ayaa u haysta in aan anigu ka danbeeyay. wax kale uma malaynaayo waxa aan ahay ninka kaliyaata ee deegaankaas ka soo jeeda ee si dhab ah ula shaqeeyay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo markaas waxaan is lahaa xurmo ayaad ku mudantahay laakiin haddii xurmadii la garan waayay iyaga ayay u taalaa . shaqo maayarkaas kumaan lahayn oo inagu dawlad wanaaga ayaynu ixtiraamnaa shaqona kuma lihi waxaanan aaminsanahay in la ilaaliyo shuruucda dalka iyo dastuurka iyo xeerarka oo kaas ay doorteen loo daayo, dadku waxay ku wada socon karaan qawaaniinta iyo xeerarka oo laga danbeeyo."