Wasiir-xigeenkii Amniga Oo Sheegay In Khilaafka Golaha Dhexe Ee KULMIYE Uu Sahayday Xilkiisii

0
523

Picture2Hargeysa(Geeska)-Wasiir ku xigeenkii hore ee amniga Md. Cabdillaahi Abokor Siciid, oo uu Madaxweyne Siilaanyo toddobaadkan xilka ka qaaday, ayaa sheegay in shaqadii looga fadhiisiyay khilaaf ka jirar xubnaha ka mid noqonaya golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.

Mr. Abokor, oo shalay khudbad ka jeediyay munaasibad uu xilka ku wareejinayay masuulka cusub ee loo magacaabay, wuxuu xukuumadda ugu baaqay in masuuliyiinta lagu ixtiraamo beesha uu ka soo jeedo iyo shaqadiisaba. “Xil aan gudan kari waayay ma jirin, ee waxa jiray khilaaf ka yimid golaha dhexe ee KULMIYE, ayaa sabab u ahaa in aan xilka ka tago, imikana waxaan dareemayaa ilaa maanta inuu arrinkaasi taaganyahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Dalkan haddii la doonayo inuu siyaasad degen yeesho waxa loo baahanyahay in si xora laysku doorto si xorana ay isku maamulaan dadku, haddii aan maanta laga waantoobin taas, waxaan aaminsanahay qabiilo isku tagay ayaynu nahay, haddii ninkasta lagu ixtiraami waayo shaqadiisa iyo reerkiisa waxay noqonayaa in hadoow sida basasha la kala furfurmo.”

Isagoo Cabdillaahi Abokor, isla mawduucan ka sii hadlaya wuxuu yidhi, ”markaa waxaana halkan aan uga soo jeedinayaa xukuumada  aan ka tirsanaa in la xaq dhawro xuquuqda muwaadinka iyo muwaadinka xurmada leh ee xisbiga  u soo hal gamay  ee xurmada mudan in aan maanta laga dor bidin nin shili maan  la siisan karo,markaa waxaan jecelahay si aan mustaqbalkeena sanado badan oo boqolaala aynu uhelno nidaam cad oo muuqda oo aanay inaga noqonin sida wadamada afrika in qof inta la soo ibsado uu golaha dhexe la keensado.”

Mr. Abokor, wuxuu sheegay inuu ka sii tirsanaan doono xisbiga KULMIYE, isagoo u mahadceliyay Madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay inuu soo geliyay arrimaha siyaasadda.