Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo ah Musharax u taagan jagada Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Kulmiye, oo maanta si rasmiya la qabanayo, ayaa waxa uu kalsooni iyo rajo wanaagsan ka muujiyey inuu ku guulaysan doono Musharaxnimada Madaxweyne ku xigeen, waxaana guud ahaan Xubnaha Golaha Dhexe ee Kulmiye ugu baaqay inay codkooda siiyaan, waxaanu sheegay in haddii ay isaga codkooda u hibeeyaan inay Xisbigu codod badan ka heli doono Gobolada uu ka soo jeedo.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika iyo Horn Cable TV ayaa sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in haddii uu ku guul daraysto jagada Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga inuu dib ugu laaban doono dagaalkii iyo jabhadayntii, waxaana uu hadalkiisi ku bilaabay sidan "Waxaanu filaynaa inuu Shirkii dhaco, Doorashadiina qabsoonto, ayna noqoto haddii ALLE ka dhigo Doorashada Kulmiye mid taariikhiya, oo keenta isbadal taariikhiya, Golaha Dhexe waxa aan jecelahay inay ka qayb qaataan isbadalka taariikhiga ah ee aanu doonayno inuu dhaco, inay muujiyaan ama ay ka jawaaban rabitaanka shacabka, oo cududoodu ku salaysnaato Shacabku siduu doonayo,waxa aan ka codsanayaa inay codka i siiyaan, waxa aan ka codsanayaa inay Kulmiye u hiiliyaan, kolayba bila'aadanku marka uu isbadal sameeynayo warwar badan iyo wey jirtaa isbadalkaasi taloow muxuu keeni, armay sidani sidaas noqotaa, waxa ugu badan ee imika la isla dhex qaadayo, oo dadka qaar aan doonaynin midnimada Somaliland ay meelahaas ka leeyihiin in xaggaas Barriga cod laga heli doonin, waa kalmad been ah oo xaaran ah, markaas Golaha Dhexe waxa aan u soo jeedinayaa oo aan ka codsanayaa inay codka i siiyaan, inay u hiiliyaan Xisbiga Kulmiye oo aan hubo in aan u keeni doono cod aad u tiro badan, waana uu ku guulaysan doonaa Xisbigu taladda dalka mar kale, inay u hiiliyaan midnimada, inay u hiiliyaan Somaliland oo dhan, oo ay Maanta codkooda i siiyaan, haddii ALLE ka dhigo, waxa aan hubaa in aan cod aad iyo aad u tiro badan keeni doono Xisbiga, waxa aan hubaa in cod aad u tiro badan diiwaangelin doono haddii aniga la i doorto, markaas Golaha Dhexe waa aan ka codsanayaa bari (maanta) inay ii hiliyaan, oo isbadalkaas u hiiliyaan.
Qalinka ILLAAHAY ayaa haya, ILLAAHAY ayaana wax bixiya, waxaana ka rarjaynayaa ILLAAHAY inuu igu guuleeyo, rajadayduna aad ayey u fiican tahay, waxaana filayaa in aan ku guulaysan doono.
Mar wax laga weydiiyey Saleebaan Xaglo-toosiye warar sheegaya in haddii lagaga guulaysto musharaxnimada inuu dib ugu laaban doono Dagaalkii iyo SSC, ayaa waxa uu ku jawaabay sidan "Arintaasi waa been iyo dacaayad, waa tartan haddii aan guulaystana alxamdulilaah, haddii aan guuldarasto oo aan soo bixi waayana rabilcaalamiin, waa la tartamayaa, waa doorasho, qofkii ILLAAHAY u qoray ayuunba helaya, dagaal iyo waxyaabahaas dacaayada ah waxba kama jiraan, waa been iyo boran-bogaando,Somaliland baan anigu jooga, ka tirsanahay, haddii aan tan waayo mid kale ayaan insha allaah nasiibkayga ka qaadi doonaa mustaqbalka".
Wasiir Xaglo-toosiye ayaa mar uu ka hadlaayey codka bulshada deegaanada uu ka soo jeedo ayaa yidhi "Waan hubaa boqolkiiba boqol inay codeeynayaan, oo ay is diiwaangalinayaan haddii aniga la i doorto, baaqa aan halkan uga diraynaa waa inay diyaar-garoobaan, una diyaar garoobaan diiwaangelin inay muujiyaan codkooda, Somaliland cod baa lagu kala adag yahay, waxa aan rajayanayaa Doorshadani mid ay deegaanadaasi ay ku muujiyaan awoodooda codeed iyo tiradooda, taas oo wax weyn ka badali doonta Siyaasada Somaliland mustaqbalka". Mar wax laga weydiiyey haddii uu ku guulaysto Musharaxnimada Madaxweyne ku xigeen waxa uu ku soo kordhin karo dalka waxa uu ku jawaabay sidan "Somaliland waxa aan ku soo kordhinayaa midnimo, dadka iyo dalka Somaliland oo si buuxda u midooba, xuduudaha Somaliland oo sugma, oo muran dambe ka dhici doonin, horumar, nabadgaliyada oo sii adkaata, intaas ayaan ku soo kordhinayaa insha allaah"