Wasiir Xagla-toosiye Oo Maanta Ku Dhawaaqaya Inuu Yahay Murashax Madaxweyne-xigeen

0
602

Picture3Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa maanta la filayaa inuu si rasmiya u shaaciyo hankiisa musharaxnimo, gaar ahaan musharaxinimada Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, waxaana la filayaa inuu Amasadoor Hotel  kaga dhawaaqo hankiisa musharaxnimo. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa ku soo biiri doona loolanka ka dhex jira  Kulmiye oo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga bisha dambe tobankeeda haddii ALLE idmo dhici doona, kaas oo lagu dooran doono Musharaxa Madaxweyne, Musharax Madaxweyne ku xigeen, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye. Wasiir xagla toosiye ayaa waxa uu doonaya inuu ka qaado calafkiisa,waxaana la filayaa inuu  ka hadlo Musharaxnimadiisa sababta dhabta ah ee ku keliftay, rajada uu qabo.