Wasiir Warancade Oo Shalay Hortagay Golaha Guurtida

2
697

Picture4Hargeysa (Geeska) – Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo shalay hor tagay Mudanayaasha Golaha Guurtida, ayaa ka war-bixiyey xaalada guud ee dalka, waxaanu tilmaamay in amaanku dalku wanaagsan yahay, marka laga reebo kiisaska ashkhaastu kala galaan.

Wasiirka arimaha gudaha oo la waydiiyey su’aalo badan isla-markaana ka bixiyey jawaabo xildhibaanada Golaha Guurtidu u sacab tumeen, ayaa ka hadlay nabadeynta beelaha Buuhoodle iyo Qorilugud, waxaanu sheegay inay gacanta ku hayaan geel dhawaan reer Qorilugud ka soo qaadeen reer Buuhoodle isla-markaana ay toddobaadka dambe ku wareejin doonaan ciddii lahayd.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay kufsiga oo dalka ku soo badanaya, waxaanu yidhi isagaa oo arintaa ka hadlaya “Shalay (Doraad) waxa war-bixintooda la ii keenay ilaa 8 kufsi, waxaana ugu weynaa kuwa la kufsanayo 10 jirka, garan maayo ma raggiibaa wax aynaan garanayn cunay, mise raashinka ayaa wax la inoogu soo daray iyo inay tahay wax meel kale ka yimid midna garan mayno, arintaasi waa arin innagu soo korodhay, waxaana loo baahan yahay inaynu ka qaadno talaabo xoog ah oo lagaga hor tago, oo dadka waxyaabahaasi ku kacaya aynu gaadhsiino ilaa dil sida sharcigu ogol yahay”

Wasiir Waran-cadde, waxa kale oo uu ka hadlay  “Qorilugud iyo Buuhoodle wixii ka dhacay waynu ogeyn, waxaana la sameeyay nabadgalyo ku meel-gaadh ah, intii hore waxa ka dambeeyay Geel-baa la soo kala qaaday oo reer Qorilugud-baa Geellaa soo qaaday, qolooyinka reer Buuhoodle-na waanu la hadalnay waxaanuna u balan-qaadnay inaanu soo celin doonno haddii aanu dawladda nahay, Geeliina ciidan-baanu ku saarnay, raggii Geela soo qaaday odayaashoodiina waanu la xidhiidhnay, Geeliina waala hayaan, waxaanuna jecelahay haddii Alle yidhaahdo inaanu Qori-lugud ku kala wareejino toddobaadka soo socda, dabadeedna loo diyaar-garoobo sidii loo xidhi lahaa nabad waarta” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay biraha iskaraabka ah ee dalka laga xaalufiyey “Arintaasi waa arin fool xun oo imika innagu soo korodhay (Biraha Waddanka laga gurto), waddankeenana xaalufin baa lau wadaa, laakiin waxaanu isku dayeynaa sidii loo qaban lahaa gaadiidka sida iyo cidda ka baayacmushtareynaysaba, waana xaalufin, hadhow haddii aynu warshado helno waa wixii la dhalaalin lahaa, haddii aynu bitaha Iskaraabka ah dhoofinaynana waa in lacag adag ku iibino, laakiin in dadku iska gurto maaha, sidaa daraadeed waxaanu uga digaynaa in dadka qaadaya, khaas ahaan gaadiidlayda inay dhibaato ku noqon doonto, markaa haddii ninka biraha sida lagala wareego gaadhigiisa waxaan xildhibaanada ka codsanayaa in aanay hadhow ka deba imanin”

Wasiirka oo la waydiiyey in qurinta meheradaha hortooda ay ka wanaagsanaan lahayn in laga horeysiiyo  qurxinta wadooyinka, ayaa ku jawaabay “Waddooyinka waxa ku shaqo leh dawladaha hoose, idiinkaana soo doortay waanan saluugsanahay annigu, markaa waxaan doonayaa inaan qurxiyo marsobiyeediga, dabadeedna ha soo baxdo foolxumada dawladaha hoose, dabadeedna aynu isugu tagno, markaa waxaanu doonaynaa inaanu inta dadka hagaajino, dabadeedna fool xumadu haku soo hadho waddada, khasab ayayna noqonaysaa in waddada la qurxiyo, waanuna wadnaa mashruuceedii iyo habkii lagu horumarin lahaaba”

Comments are closed.