Wasiir Warancade Oo Burco Kula Kulmay Odayaasha Beelaha Baliga Diiriye Guuleed

0
707

Picture7Hargeysa(Geeska):-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md.Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa kulan magaalada Burco kula yeeshay Odey dhaqameedyo ka soo kala jeeda beelaha walaalaha ah ee dhawaan dirirta muranka dhuleed ahi ku dhex martay Baliga Diiriye Guuleed.

Waxaana kulankan wasiirka ku wahelinaayey wasiiru dawlaha Maaliyada, guddoomiyaha gobalka Togdheer, Odeyada ka soo kala jeeda Labada beelood ee dirirtu dhex martay iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida.

Guddoomiyaha gobalka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in arrinta dhex-dhexaadinta Labada beelood ee ay dirirtu dhex martay ay marayso meel wanaagsan, waxaana uu rajo fiican ka muujiyey in si wanaagsan u so dhammaan doonto.

"Arrintaasi meel wanaagsan ayey maraysaa wasiir, waxaana ay u baahan yihiin Labadaa dhinac ee walaalaha ahi oo dhulka haddii aad aragto waa illaa 10Km Labada magaalo ee dhisan inta ay isu jiraan, in dee waxii waano iyo talo ahba aad siiso waa lagaa sugaa wasiir.".Ayuu yidhi Md.Maxamed Muuse Diiriye.

Wasiiru dawlaha wasaarada Maaliyada Somaliland Axmed Saxardiid Cismaan(Caddaani) oo halkaas ka hadlay, ayaa ugu horeyn si aada ugu mahad naqay xildhibaanada golaha Guurtida ee ku hawlana heshiisiinta iyo dhex-dhexaadinta Labada beelood, waxaana uu ku ammaanay doorka muuqda ee mar walba ay ka qaataan sidii loo soo afjari lahaa colaadaha ka abuurma guud ahaan dalka, isaga oo sida oo kalena ugu baaqay gudida matalaysa dhincayada dirirtu dhexmartay ee wada-hadalku u socdo in ay ku dedaalaan sidii ay xal waara uga soo saari lahaayeen arrintaas taagan, waxaan uu tibaaxay in xalka ay soo saaraan uu cid walba dan u noqon doono.

"Ugu horeyn waxaan u mahad naqayaa Guurtida xildhibaanada ah ee halkan fadhida oo runtii hawlaha dalku marka ay adkaadaan lagu soo ciiro, laguna badbaado mar walba aad ayaan ugu mahad naqayaa. Idinku dadka aad matashaan dan ayaa ay u tahay idinkana danbay idiin tahay oo waa aynu wada ognahayoo halkaas oo qudha maahee meelo badan oo kale ayaad ku wada nooshihiin, waar dee  sida aad tan ugu wada nooshihiin ayaad kuwaana ugu wada noolaanaysaan, hawli idin kuma yara Illaahay waxaan idiin ka baryeyaa in uu idin la qabto, idinkuna aad aamintaan.".Ayuu yidhi Axmed Saxardiid Caddaani.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md.Cali Maxamed Waran-cadde oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay qiimo badan leedahay haddii uu mid ka mid ah beelaha ishaya uu tanaasul muujin lahaa, waxa kale oo uu uga digay in ay maqlaan siyaasiyiin uu sheegay in ay yihiin afku xoogleyaal oo magaalooyinka jooga kuwaasi oo uu tibaaxay in aanay u wadin wax dan ah, iyagana looga baahan yahay in ay si walaal tinimo ah ay danahooda uga tashadaan.

"Mida horta aan idiin ka digayaa waxa weeye in aan siyaasad nin magaalo jooga oo aan camal hayn oo afku xoogle ah oo aan idiin furi doonin in aanu idiin rarin, in aad hoosta isaga xidhataan Labadiina qoys ee wax wadaaga arrintaa intiina loo soocay, bulshada inteedii kalena waa ay idin sugaysaa, haddii qolo dabciso xadhiga ceeb maaha, in boggiina burcad isu mariyaan oo isu kiin soo dhaweeyaan oo marba ay meel idin ka tusaan ayey idiin la joogaan Guurtidu, inta arrintaasi dhammaanaysana waa ay idin la joogayaan, idin kuna kuwii xadhiga dabciya ee xaga wanaaga ka eega in aad noqotaan.".Ayuu yidhi Md.Cali Waran-cadde.

Maxaa Sababay in Djibouti soo jiidato quwadaha dunida?

Jabuuti ayaa ah dal yar oo ku yaala Badda Cas, waxaana saldhigyo militari ku leh dalalka Mareyakanka, Faransiisa oo hore dalkaa u gumeysan jiray, hase haatee hadda waxaa si isa soo tareysa, oo cad in shiinuhuna uu daneynayo.

Maxay tahay sababta keentay in dalkan ku yaalla Geeska Afrika in uu soo jiito quwadaha waaweyn?

Jabuuti, ayaa lagu tilmaamay in ay tahay dal xasiloon oo lagu dayan karo oo ku yaala gobol ay dhibaato badan ka jirto, taa ayaana loo arkay in ay tuusaale lagu daydo noqon karto.

Waxa dalka Jabuuti ku yaala Baabul Mandib oo ah marin muhiim ah oo ku xiran gacanka Suweys oo ah midka ugu mashquulka badan oo ay maraan maraakiibta caalamku.

Jabuuti, waxay sidoo kale daked muhiim ah u tahay dalka Ethiopia ee dariska la ah oo aan bad laheyn. Haddana muhiimadu way sii balaartay marka la dhameystiray khadka tereenka ee labada dal isku xira.

Mashruucan khadka tareenka ayaa waxaa ka howgalayay dalka Shiinaha, waxaana qeyb ka ahaa garoon diyaaradeed iyo dekad.

Jabuuti, ayaa waxay deris la tahay dalal gobolka ah iyo kuwa gacanka carabta taasaana dalka muhiimad weyn u yeeshay in uu noqdo goob ay saldhigyo militari ka sameystaan dalalka Waaweyn.

Sidoo kale, Jabuuti waxay in ka yar 20 mile u jirtaa dalka Yemen ee dhanka kale ka ah oo Baabul Mandib ku yaala. Qalalaasaha ka jira dalkaasi, ayaa waxaa uu u baahan yahay jawaab caalami ah iyo baahi loo qabo saldhigyo militari oo halkaa ka dhow.

Jabuuti, waxaa ku yaalla saldhiga militari ee ugu weyn ee Mareykanku uu Afrika ku leeyahay halkaas oo ay ku sugan yihiin 4000 oo askari.

Xukuumadda Shiinaha, ayaa waxay dhowaan keentay Jabuuti ilaa 700 askari si ay u difaacato danaheeda xagga saliida oo ay ku leedahay dalka South Sudan. Waxaa sidoo kale ka go'an in ay difaacdo 200 biliyan ee Dollar ee gacasiga ah oo ay la leedahay qaaradda Afrika.

Waxaa sidoo kale saldhigan shiinaha ka faa'iideysanaya shaqaalaha shiinaha ah ee ka shaqeeya goboladda Afrika iyo Bariga Dhexe.

Mareykanka, kama dhaadhacsana in Shiinaha aysan halkan ka laheyd dano kale oo qarsoon.

Mareykanka, waxaa uu saldhigiisa Milatariga uu ka bixiyaa sanadkii kiro gaareysa 63 milyan oo doolar, shiinuhuna waxay la imaanayaan 100 Milyan oo kale oo ay wali dheer tahay mashaariic dhinaca dhismaha.

Marka ma adka in la arko in Jabuuti aysan u muuqan tartanka quwadaha waaweyn ee waxaa iyada dan u ah in ay hesho lacagaas badan ee kiradda ah.

Xigasho BBC