Wasiir Samaale Iyo Wasiir Biixi Oo Cadeeyay Inay Murashixiin Yihiin Marka Madaxweyne Siilaanyo Kurisga Baneeyo Iyo Weedhaha Ay Hawada Mariyeen

0
611

Picture7Hargeysa(Geeska)-Xaflad siyaasadeed oo toddobaadkan u dambeeyay si weyn loo hadal hayay loona sugayay, ayaa shalay ku qabsoontay hoteelka guuleed ee magaalada Hargeysa. Munaasibadan oo markii hore la sheegayay inay wasiirada arrimaha dibadda Maxamed Biixi iyo maaliyadda Cabdicasiis Samaale ay kaga dhawaaqayaan murashaxnimadooda madaxweyne, ayaa waxa shalay isugu yimid in ka badan dhawr boqol oo qof oo lagu soo casuumay hadhimo sharafeedkaas oo ahayd mid si weyn loo soo abaabulay oo taageero u muujiyay Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE.  Waxaanu ahaa kulan ay albaabadu u xidhnaayeen oo aan saxaafadda loogu talo gelin, balse muuqaalo ay dadkii madasha fadhiyay qaarkood duubteen ayaa la baahiyay.

Waxaana hadalo ka jeediyay labadan wasiir ee Samaale iyo Maxamed Biixi, oo labaduba sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu yahay murashaxa KULMIYE ee madaxweyne, balse marka uu kursiga baneeyo ay noqon doonaan murashixiin tartami doona, iyagoo hadalo aan toos ahayn hawada u mariyay siyaasiyiiin aanay magacaabin.

Wasiir Samaale

Wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa wuxuu madasha ka jeediyay hadal siyaasadeed oo xamaasadaysnaa, kaas oo ay aad ugu sacabo tumeen dadkii kulanka fadhiyay oo aad u tiro badnaa, wuxuuna carabka ku adkeeyay inuu Madaxweyne Siilaanyo yahay murashaxa kULMIYE, “Haddii warar been ahi suuqa yaalaan, murashaxa xisbiga Kulmiye ee talada dalka hayaa waa Axmed Maxamed Siilaanyo, isagaanu hore u soo dhisnay, oo imikana dhisaynaa, isagaanu bar bar taaganahay, waynu is garabsanaynaa, waanan iskaashanaynaa.”  Ayuu yidhi Samaale, waxaanu intaas raaciyay “Sidaas walaalkay Maxamed Biixi Yoonis uu  yidhi annagu haddaanu wasiiradii xukuumada talada haysa horena waanu u cadaynay imikana waanu cadaynaynaa, inaanaan madaxweynaha talada haya kursiga uu ku fadhiyo inta uu ku fadhiyo aanu hunguri naga haynin, waxase aanu cadaynaynaa isaga dabadii han ayaanu leenahay waanan tartamaynaa, taas cidda diidan ama aan tartanka noocaas ah galaynin inay saaxadda banaynayo weeye.” Wuxuu Wasiir Samaale faahfaahiyay qodobo uu ku sheegay inay ka mid yihiin wax qabadka Madaxweyne Siilaanyo mudadii uu talada dalka hayay, isagoo si gaar ah u amaanay siyaasadda dibadda iyo dhismaha kaabayaasha dalka. Isagoo la hadlaya cid aanu magacaabin wuxuu yidhi “In qofka wax doonayaa uu ku doono wado sax ah oo xalaal ah, hubaal waxa ah inuu damac jiro oo qofba wax jecelyahay, bixintuna waa Alle xaggiisa. Kursigu samada ayuu ka qoranyahay, cidda maanta ku fadhidaa samaduu ka qoranaa, beri cidda ku fadhiisanaysaana samaduu ka qoranyahay, waxase loo baahanyahay in qofku wuxuu doonayo uu waddo wanaaagsan u maro. Waxaad la socoteen toddobaadyadii u dambeeyay shirar doceedyo ayaa socday, siday runtu tahay shirar doceedyadaas  reerka way burburinayaan oo qofkii wadadii xalaasha ahaa aan kulsoonayn ayaa waddo xaaraan ah wx ku doonaya. Aniga iyo walaakay Maxamed Biixi iyo inta kale ee nala midka ahiba wadada xalaasha ay ayaanu wax ku doonaynaa, Axmed dabadiina waanu tartamaynaa, Axmed ayaanu dhisaynaa, dabadiina waanu tartamaynaa, waxase loo baahanyahay tartanku wax buu wanaajiyaa ee wax ma xumeeyo.  Maanta waxa inoo murashax ah, Axmed Maxamed Siilaanyo, salaad aan wakhtigeedii joogin miyaa la tukanayaa. Saw murashaxu Axmed Siilaanyo maaha, ma jiro murashax kale.” Wuxuu Wasiir Samaale, sheegay inaanay jirin cid gaar ah oo burin karta hanka murashixiinta kale, waxaanu yidhi “Annagu ka’ [murahaxa] soo baxa ayaanu dhisi doonaa, qof walba oo han lehna cid reebi kartaa ma jirto, yaan been la isu sheegin. Siyaasi madaxweyne u sharaxan yaa reebaya oo joojinaya, asalkaba siyaasada waxa lagu kala hadhaa tii oo la is jecelyahay. Axmed Siilaanyo tartan ayuu ku soo baxay, tartan xalaal ayaynu imikana ku dhisaynaa.” Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Wasiri Samaale, farriintan, waxaanu yidhi  “Siilaanyo ayaa murashax u ah, waan ku celcelinayaa taas  waayo kuwo af miishaariinta ah ee beenalayaasha ayaa yidhaahda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Axmed Siilaanyo  ayay kursiga ku haystaan, halkeenu kaga haysaanaa, cidda Axmed kursiga ku haysata waa la yaqaanaa, annagu Wasiiradii Axmed ayaanu nahay, horena  kursi ugumaanu qabsan,maantana kuma haysano, maantana isagaanu dhisaynaa, isaga dabadiina tartan xalaala ayaa la galayaa.” Maxamed Biixi

Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu yahay murashax madaxweyne, madaxweyne Siilaanyo dabadii. Ugu horayn isagoo ka hadlaya ilaalinta amniga dalka wuxuu yidhi “Waxa aynu leenahay Muxaafid iyo Mucaarid, Nabadu inaga ayey dan inoo tahay, in Nabada la ilaaliyo, oo meel looga soo wada jeedsado, oo Ninkii Nabadeena duminaya in aynaan u joojin ee aynu nidhaahno jooji, oo qas iyo rabshad dalkani uma baahnee, waxa laga yaaba inaad is tidhaahdan miyaanu xaajigani Ictiraafkii keenayn, waxa aanu aaminsanahay in Ictiraafka laftiisa la keeni karo, oo farsamooyin badan loo mari karo, oo 23-sanno ayeynu keligeen taagan ahay, wada hadalo ayeynu Xamar la leenahay, waxa aanu aamnisan ahay in dariiqa wada hadaladu uu yahay dariiqa saxda ah, waxa aanu doonaynaa inaad na taageertan oo aad nagala shaqaysaan sidii aynu umaadan Ictiraaf ugu keeni lahayn, sidii aanu maalgashi ugu keeni lahayn, sidii horumar aanu ugu keeni lahayn”. Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaad la socotaan in Shir aanu ku qabanay Ingiriiska, aad iyo aad ayey Maalqabeeno noogu yimaadeen, Wadankaygu waa qani, laakiin waxa ay wax kasta ku salaysan yihiin Nabad, Horumar iyo is-qabsi la’aan, waxa laga yaabo in muddo badan xuruf halkan iyo halkaasba ay jiraan, ha noqoto Baarlamaanka ama Axsaabta, laakiin waxa marka hore muhiim ah inaynu ilaashano isku duubnideena, inaga oo hubna in Nabad, Horumar iyo Xasilooni, keeni karo, waxa ugu muhiimsan ee aynu halkan u nimid waa inaynu gacmaha is qabsano”.  Waxa iyaguna halkaas ka hadlay wasiirka wershadaha md. Abiib Diiriye Nuur (timacad) oo aad u ammaanay wax qabadka Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa.

Waxa aan kulankan shalay lagu arag guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay isku deegaan ka soo jeedaan wasiiradan iyo dadkii xaflada ka qayb galayba.