Wasiir Sacad Oo Si Adag Uga Hadlay Dhawaaqii Uu Safiirka Turkiga Ee Muqdisho Ku Marin Habaabiyay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya

0
511

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire ayaa oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa Dawladda Turkiga ugu baaqay inay qadiyada iyo madax banaanida Somaliland ixtiraamto, waxaanu tilmaamay inaanu Turkigu go’aan ka dhan ah Somaliland aanu gaadhi karin.

1

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay safar uu ku soo maray shan Wadan oo Yurub ka tirsan, waxaanu wasiirka oo ugu horayn ka hadlaya safarkii uu dalal Yurub ka tirsan ku soo maray uu yidhi  “Waxaan soo maray shan wadan, oo kala ah Jarmalka, Belgium, Giriiga, Demark iyo Sweden, ujeedada safarkan waxa ka mid ah Carwo Somaliland ah oo ka dhacday dalka Jarmalka, oo Ganacstadeena iyo Ganacsto kale ay ka qayb galeen, waxaanu la kulanay Saraakiil ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka, waxaanu culayska saarnay arinta abaaraha, sidii looga qayb qaadan lahaa,aad bay noo soo dhaweeyeen, Wadamada kale ee aan tagnayna waxaanu la soo kulanay Madaxdooda, si fiican bay noo qaabileen, waxaan aad ugu mahadnaqaynaa dadkeena reer Somaliland ee Wadamadaas ku nool, oo iyagu si fiican noo soo dhaweeyey”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko hadalkii Safiirka Turkiga ee Somaliya ayaa ku jawaabay “Ujeedada ay wada hadaladu u bilawdeen may ahayn midnimo, ee inagu waxaynu wada hadalada u bilawnay sidii  aynu Caalamka iyo Somaliyaba uga sharixi lahayn qadiyadeena iyo inaynu nahay dal jira, horena u jiri jiray, iyo inaynu Somaliya si wanaag iyo walaalnimo ku jirto u wada noolaano oo aynu u noqono laba Wadan oo jaar ah, Turkiguna inamuu dhex-dhexaadinayn ee gogosha ayuun buu fidiyey, hadal ka soo baxa iyo go’aana inama siin karo ee teena ayeynu ku soconaynaa ee Wadanka Turkiga waxaan leeyahay, ixtiraam oo xaq-dhawr Somaliland iyo madax-baanideeda”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda mar aanu wax ka weydiinay waxa uu ka og yahay Diyaaradihi duqeeyey deegaano Somaliland ka tirsan ayaa ku jawaabay “Waxaanu ku jirnaa xog ururin, marka aynu helno xog rasmiya, ee ay inoo soo baxdo cida leh Diyaaraha, ayeynu kala hadli karnaa, walibana baadhitaankii waa la wadaa”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda mar aanu wax ka weydiinay Wadamada inaga caawiya Doorashada inay kulmeen ayaa ku jawaabay “Haa waanu is soo aragnay, Wadamada Doorashooyinka inaga caawiya waxay leeyihiin Guddi, Guddidaasna xaruntoodu waa Nairobi, hawsha

Doorashooyinkana inaga waxa inoo qaabilsan Komishanka Doorashooyinka ee Qaranka, iyana wey kulmeen, hawshu iyo qaban-qaabada Doorashaduna si fiican bay ilaa haddana u socdaan”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko xifaaltanka Xisbiyada iyo waxa uu kula talinayo ayaa ku jawaabay “Waxaynu nahay dal Dimuqraadiya oo qaatay habka nidaamka Axsaabta badan, Xisbiyadu Muxaafid ha ahaadan ama Mucaarid ha ahaadaan waxaan uga baaqayaa inay ka feejignadaan Qabyaalada, oo aanay si xun u isticmaalin, waxaan kale oo ugu baaqayaa inay si wada jir ah ugu hawl-galaan qadiyada iyo horumarka Somaliland, oo aanay eegin dan gaar ah”