“Somaliland Cid U Talisa Ayay U Baahantahay Ee Cid U Abtirisa Uma Baahna, Umana Baahna In La Miiq Siibo Sida Basasha”

0
652

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa wakhtigii uu mucaaradkiisa ugu adag ahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo hoggaaminayay xisbiga KULMIYE, wuxuu hal u hays u lahaa in Somaliland u baahantahay cid u talisa ee aanay u baahnayn cid u abtirisa.

1

Madaxweyne Rayaale hadalkaas wuxuu ula jeeday xisbiyadii mucaaradka oo uu ku eedayn jiray inay shacabka Somaliland kala qaybinayaan, waxaanu shacabka uga digi jiray inay doortaan hoggaamiye kala qayb-qaybiya.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay 13 bishii September sannadkii 2009-kii waxa uu ka digay in ay shacabku ka feejignaadaan siyaasi wata dan damac siyaasadeed oo uu ku doonayso inay kaga faa’idaysto. Rayaale wuxuu yidhi “Waxaan leeyahay shacab weynaha ninka idin jecel ee dalka jeceli waa ninka yidhaahda wada jira, ninka idin necebi waa ninka kala taga idin yidhaahda. Hore ayaan u idhi Somaliland cid u talisa ayay u baahantahay ee cid u abtirisa uma baahna, Somaliland cid u talis ayay maantana u baahantahay.”

Daahir Rayaale oo hadalkiisa sii wata kana digaya kala qaybinta shacabka iyo beelo u kala qaybinta wuxuu yidhi “Basashu way qurux badantahay laakiin haddii la dhilo dabaylaha ayaa kala qaada mar dambena la iskuma soo celin karo, Somaliland waa in laga ilaaliyaa  in loo miiq siibo sida basasha oo dadkeeda la isku fitneeyo.”

Hadalka Daahir Rayaale ayaa noqday hadal; hal hays u noqday shacab tiro badan oo dib u qiimeeya khudbadihii uu jeedin jiray oo ay ku jireen hadalo badan oo xikmad noqday oo aan waagaas la dareensanayn balse intii uu talada ka sii maqnaa aad loo ogaaday qiimahoodii.