Wasiir Sacad Cali Shire Oo Sheegay Inay Somaliland Diyaar Ula Tahay Itoobiya Wixii Karaankeeda Ah Ee Ay Uga Baahato

54
4132

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay is casilaada Raysal-wasaaraha Itoobiya  Hailemariam Desalegn iyo xaalada ka taagan dalkaas.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale sheegay in xaalad kasta oo ay Itoobiya gasho, inay Somaliland ay saamayn ku yeelanayso, balse wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in wax kastaaba ay nabadgelyo ugu dhammadaan, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya xaalada deg dega ah ee ay Itoobiya gashay “Itoobiya waa wadan aynu jaar nahay, waa wadan aynu saaxib nahay, oo saamayn badan inagu leh, waxaanu u rajaynaynaa in hawlahaas ka taagani si nabada ah ku dhammadaan, waliba si dhakhso ah ku dhammadaan,nidaam bay leeyihiin, nidaamkooda ayeyna u raaci doonaan, laakiin inagu weynu garab taagan nahay. Sida uu Raysal-wasaaruhu ku caddeeyey warsaxafadeedkiisa wuxuu sheegay in is casiladaasi ay fududaynayso geedi socodka is bedelka Itoobiya, dabcana waxaanu isku casilay si is bedel dalkiisa uga dhaco”.

Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay saamaynta ay ku yeelan karto xaalada Itoobiya Somaliland ayaa yidhi “Dabcan Itoobiya jaar ayeynu nahay, wax kasta oo ka dhacana shar iyo khayrba wey ina saamaynayaan, laakiin waxaanu u rajaynaynaa in wax walba khayr ugu dhammaado, oo aanay dhibaato ka dhicin, wax alaale wixii ay inooga baahdaan ee awoodeena ahna ee aynu kari karnana waanu ugu dadaalaynaa diyaarna waanu u nahay”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here