Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Jawaabay Eeddo Uu Cirro Hore Ugu Jeediyay, Kana Waramay Dadka Loo Qabtay Dilkii Saraakiisha

0
1089

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku dhaliilay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro inuu isku dhufanaayo isaga iyo dadka reer Awdal iyo xukuumadaba.

Waxa uu wasiir Maxamed Kaahin uu ka hadlay tirada dadka fuliyay dilkii saraakiisha ee ay hayaan iyo dad loo hayo baadhitaano, sida oo kale waxa uu faah faahin ka bixiyay sababta xukuumadoodu ay u isticmaashay xaalada deg dega ah, waxaanu dhaliilo aad u tiro badan uu u jeediyay guddoomiye Cirro oo uu ku tilmaamay inuu qaanka ka horyimi.

Waxaanu arimahan kaga hadlay Maxamed Kaahin shir jaraa’id oo uu xafiiskiisa ku qabtay, waxaanu ku bilaabay“ Arintaasi intii ay dhacday masuuliyiin faro badan iyo ehel iyo qaraababa way isugu tageen waxaana si qaran loogu aasay magaalada Oog, waxa ilaa iyo maalintii shilkaasi uu dhacay ilaa maanta ku jira hawl gal lagu baadi doonaayo ragii fuliyay hawshaas saraakiishu ku geeriyootay iyo dadkii kale ee gacan saarka la lahaa, maanta waxa gacanta lagu hayaa saddex ka mid ah ragii hawl galkaas fuliyay iyo toban nin oo xidhan oo loo haysto abaabulayaal, taakulayn,gacan siin iyo rag ay baadhisi ku socoto oo tuhumo ay soo galeen, waxa kale oo la hayaa gaadiidkii ay nimankaasi ay ku hawl galeen afar gaadhi oo ka mid ah gaadiidkii lagu hawl galay iyo hal gaadhi oo hawlgalku markii uu dhacay taakulayn samaynaayay intaas gacantaa lagu hayaa badhitaankii ayaa ku socda oo sharciga ayaa la horgaynayaa.”

Waa uu sii watay hadalkiisa wasiirka arimaa gudahu” Intii kiiskani uu dhacay waxyaabo badan ayaa saxaafada laga sii daayay waliba xisbiga Waddani ayaa ka sii daayay waa xisbi qaran labada sarkaal ee dhintay KULMIYE maaha WADDANI Iyo UCID maaha waa saraakiishii qaranka haday shalay WADDANI heli lahaayeen inay dowladnimada maamulaan saraakiishani masuuliyadooda ayay ahaan lahayd,  sifo nabadgalyo daro sii abuuraysa isaga oo shaqsiyaad ula jeeda iyo isaga oo xukuumada u jeeda iyo isaga oo shacab u jeeda intaba si dhaawac nabadgalyo abuuraysa ayuu u hadlay oo waxa ka mid ah, Maxamed Kaahin intaas oo jeer ayaa loo sheegay, waa been, laba talis ayay ka tirsanaayeen labada talis xaalada cariga ka dhacday waa laga war hayay, badhasaabka Sanaag Ceelafweyn ayuu joogay saraakiil ciidamada qaranka iyo booliska ah way joogeen markaas xaaladaasi  qayladhaan aniga igu soo dhacaysay may jirin ee Cirro anigana waa uu ii jeeday iyo xukuumada isaga oo waxyaabo kale iga sheegi karaayay, arintan ayuu u jeeday oo waxa uu u jeeday nimanka hawsha fuliyay inaanu anagu isir wadaagno, beesha uu ka soo jeedo oo boorama ahna inuu colaad kala dhex dhigo uu isagu is leeyahay mucaarad cidi ha noqoto aad wax ka faa’idaysatidna waa uu u jeeday, arintuse waxay ahayd arin nasiib daro ah qaranka ku dhacday cidii aanay talo ka wadaagin arigii arintaas fuliyay inay  iyagu fuliyeen oo nabadgalyo daro qaranka ku dhacday ayay ahayd.”

Waxa uu dhaliilo badan u jeediyay guddoomiye Cirro wasiir Maxamed Kaahin“Sharci darjinta iyo Fulinta iyo garsoorka waxa la wadaaga oo la soo waheliya saddexda xibi qaran, isagu waxa ay ahayd inuu mucaarad yahay oo uu mucaaradnimo wax u sheego laakiin hadii uu dhaawac ku dhaco qaranka uu qaranka la safto laakiin waxa muuqatay in aanu qaranka la safan ee uu qaranka ka safan yahay. Waxa uu ka helaa ayuu leeyahay, laakiin arintan dawladu arin reerna ku eegimayso arin mucaarad kuma eegayso,waxa kaliya ay ku eegaysaa inta ay leegtahay oo ah laba arkaal oo ciidanka qaranka ka tirsan ayaa la dilay danbiilayaal arinkaas iyagu ku talaabsaday ayaa dilay danbigaas cidii galay uunbay dawladu u daba joogtaa, Cabdiraxmaan haduu reero ku aroorinaayo iyo haduu aniga igu soo aroorinaayo iyo haduu cid kale ku aroorinaayo isaga ayay yeelanaysaa waa la baadhayaa arintaasi meel ayay tagaysaa oo baadhista ayuu isaguna ka mid noqonayaa xogta uu helay inay xog jirta tahay iyo inay ujeedadiisa banaanka soo dhigto, waan ka xumahay in xisbi dhan oo qaran isaga oo madaxweyne u tartamaayay oo wali hankeedii leh inuu sharciga ku gafo, oo sharciga qaranka ee uu xisbiga ku yahay uu ku gafo isaga oo cid shaqsiyaad ah u jeeda, taasi isaga ayay u taalaa waxa uu ka helo ayuu yeelanayaan.”

Waxa uu sida oo kale ka hadlay wasiirka arimaha guduhu xaalada degdega ah ee xukuumadoodu isticmaaashay  ” Arintan aadka looga baayacmushtareeyay ee baarlamaanka buuqu ka dhacay waa la isticmaalaa dastuurkeena ayuu ku qoran yahay laakiin su’aasha is waydiinta leh waxa weeye  marxalada aad ku isticmaalayso, meesha aad ku isticmaalayso iyo sababta aad u isticmaalaysaa intuba ma ku sugan tahay sifaha sharciga ku cad iyo sifaha dhaawaca nabadgalyada keenaaya aagaas lagu isticmaalay imika ee gobalka Sanaag, gobalka Sanaag oo dhan laguma isticmaalin waxa lagu isticmaalay degmada Garadag, Ceelafweyn iyo Ceerigaabo gobalka intiisa kale laguma isticmaalin waa gobalka Sanaag oo maanta ay ka samaysantay Badhan markii horena lix degmo ayuu ahaa saddex ka mid ah ayuunbaa lagu isticmaalay ee saddexda kale laguma isticmaalin, mushkiladan maanta taala ee dabayaaqadeedii aan hayno labadii sarkaal ee dhintay isqabadkii ugu horeeyay ee Ceelafweyn 2015-kii ayuu bilowday 8 xubnood oo ciidanka booliska iyo qaranka ah ayaa eeriyadaas ku dhintay, dhaawacna waxa ka ah 8 ciidanka qaranka ka tirsan iyo labaatan ciidanka booliska ka tirsan, dadka shicibka ah marka laysku geeyo 79 ay u danbeeyeen labadii sarkaal ee bisha 29-keedii dhintay dhaawacu marka laysku wada geeyo waa 161 dawladan imika joogta iyo tii ka horaysay marka uu khasaare intaas leeg ina horyaalo aqoon kasta iyo nidaam kasta waxaan u baahanay in arintaas talaabo laga qaado waayo labadan sarkaal ciidan wadareed ayaa dilay, shilalku waa ay dhacaan caalamka oo dhan ayay ka dhacaan Maraykan ayaynu aragnaa nin qori sita oo dugsi la soo gala oo caruurta,waalidka iyo macalimiintoodaba ku riday, kiisasku si qof ahaaneed iyo dhaqanka Soomaalida aano qabiilba waa ay u dhacaan laakiin markay heerkan gaadho nabadgalyadeena ciidamo wadareed oo ciidamada meelaha qaarkood inaga jooga udhigma waxa wanaagsan in talaabo xoog leh laga qaado, dawladu ujeedo kale kamay lahayn, siyaasadna ugamay jeedin cidna lagu cadaadin maayo, dadkeenu waa uu hubaysan yahay awoodna umaynu yeelan aynu dadka hubka kaga ururino waxaan ka warhaynaa in nabadgalyo dadkeenu ku sugan yahay, laakiin markay wax dhacaan uu cunfu qabiil u sabab yahay in la soo toosinaayo nabadgalyo daradii dabadeedna awood loo yeelanaayo tiro ciidan hubaysan oo beelaysan oo tiro kastaba leh inuu fal qaado, arintaasna dawladu waxa ay doonaysaa oo qudha inay ku afjarto mushkiadaas imika jirta.”

Wax uu wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin uu sheegay in si caalamku uu uga qaado midabka casaanka ah gobalada bariga qaarkood in loo samaynaayo in amaanka lagu sugo, xisbiga WADDANina waxa uu ku dhaliilay inuu abuurayo nabadgalyo daro aan cidna u dan ahayn, Waxaanu hadalkiisa ku soo gunaaaday” Cabdiraxmaan waxaanu leenahay siyaasad iyo aragti ayaa lagaa doonayaaye lagaama rabo inaad ku dul meeraysato in aad taageerto nabadgalyo darada  dalka ku dhacda iyo ciidanka booliska.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here