Wasiir Ku-xigeenka Beeraha Oo Ka Hadashay Ahmiyadda Wax Soo-saarku U Leeyahay Somaliland

0
460

Hargeysa (Geeska) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Marwo Yurub Abiib Cabdi, ayaa ka hadashay ahmiyadda ay dalka u leeyihiin Beeruhu iyo sida loogu baahan yahay in Dadweynaha iyo Dawladdu gacmaha isku qabsadaan sidii guul looga gaadhi lahaa Wax soo saarka dalka.

Wasiir ku-xigeenka oo qoraal ku baahisay boggeeda Facebook, ayaa tidhi “Waxa xaqiiq ah in horumar la taaban karo laga gaadhi karo dhanka beeraha dalka, haddii dad-weyntu gacan ku siiyaan dawladda JSL.

Qorshaha horumarinta Beeraha Somaliland waa mid Wasaaradda ahaan fulinteedu ay naga go’an tahay si dalku Isku filnaasho badan uga gaadhi lahaa dhanka waxa soo-saarka Beeraha.

Beerahu waxay ka mid yihiin kaydka baaxada leh ee Somaliland leedahay, beeri waa habka abuuridda, xanaaneynta iyo soo-saarida dhirta, taas oo laga sameeyo cunto, Daawo, Dhar, hoy Iyo Faa’iidooyin badan oo aan halkan lagu soo koobi-karin, markaa gacmaha aynu Isku qabsano sidii aynu midho ugala soo bixi lahayn ciiddeena hoddanka ah eeJSL.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office