UK Oo Ka Hadashay Orodyahan Reer Somaliland Ah Oo Sheegay In Dalkaa Sharci-darro Lagu Geeyay

0
393

UK (Geeska) – Orodyahanka Mo Farah ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in wasaaradda arrimaha gudaha ee Uk ayna wax tallaabo ah ka qaadi doonin isaga, ka dib markii uu shaaca ka qaaday in tahriib lagu geeyay dalkaas xilligii carruurnimadiisii.

Xidigga afarta jeer ku guulaystay Olombikada adduunka ayaa Isniintii shaaca ka qaaday in magaciisa saxda ah uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin, balse uu dhalashada Ingiriiska ku qaatay magaca Maxamed Faarax.

Maxamed Faarax ayaa ahaa magaca ay u bixiyeen dadkii sida sharci darada ah ku soo galiyay UK.

Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ayna baadhi doonin Sir Mo Farah.

“Kani waa dalkaygii. Haddii ayna ahaan lahayn [macallimka PE-ga] Alan iyo dadka i taageerayay carruurnimadaydii oo dhan, markaas waxaa laga yaabaa inaan xitaa dhiirranaan u yeelan lahayn inaan tan sameeyo,” ayuu yidhi Mo Farah.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha dowladda UK ayaa sheegay in ayna wax tallaabo ah ka qaadi doonin dhalashada Sir Mo Farah, maadaama carruurnimadiisii lagu sameeyay magac beddelka.

Sharci ahaan, UK waxay qofka kala noqon kartaa dhalashadiisa haddii lagu helay khiyaamo.

Geeska.net/Hargeisa Office