Wasiir Ku Xigeenka Beeraha Oo Furay Tababar Lagu Baranayo Xakamaynta Ayaxa

0
708

Picture1Hargeysa(Geeska)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha Somaliland Aadan Ibraahim Ashqar ayaa Isniintii tababar  ku sabsan xakamaynta iyo daraasida Ayaxa u furay xubno ka mid ah shaqaalaha wasaaradda.

Munaasib lagu furayey tababarkan oo ka dhacay Hall-ka shirarka wasaaradda Beeraha oo ay xubnaha ka mid ah shaqaalaha wasaaraddu ku qaadanayaan tababarka ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socotay wasaaradda Beeraha, hay’addaha FAO iyo DLCO, waxaana masuuliyiinta ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Aadan Ibraahim Ashqar, Agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdilaahi Ismaaciil Faarax, Af-hayeenka wasaaradda Sacad Muuse Cabdi, la taliyaha wasiirka Maxamed Cali, madaxa mashaariicda beeraha ee hay’adda FAO Mr. Daria iyo Flage oo ka socday hay’adda la dagaalanka ayaxa.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha Aadan Ibraahim Ashqar oo halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha uu ka tari doono tababarkan talaabooyinka ay wasaaraddu kula dagaalamayso Ayaxa oo sanadkan bilawgiisii si weyn ugu habsaday dalka iyo mandaqadaba.

Wasiir ku xigeenka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Siyaasadda Dawladdu waxa weeyi sidii loo heli lahaa isku filaansho cunto, si taasi loo gaadho waa in la sameeyo fidin dhinaca cilmiga ah, iyada oo ay taasi ka duulayso wasaaradda beeruhu waxa ay qaaday talaabooyin lagu daadajinayo cilmiga, waxaanan xusuustaa bishan horaanteedii tababar beeralayda cilmiga loogu daaddajinayey oo aanu ugu soo xidhnay xarunta cilmi baadhista iyo tababarada beeralayda ee Aburiin, kana waa mid daba socda”.

Wasiir ku xigeenka oo sharaxaad ka bixinaya tababarkan ayaa waxa uu yidhi “Tababarkani waxa weeyi sidii loo heli lahaa talaabooyin lagaga hortagayo ayaxa, iyada oo wadamo ka tirsan aduunku ay hay’addo u gaar ah u samaysteen ka hortagiisa”.

Wasiir ku xigeenka ayaa waxa uu intaasi ku daray “Waxaanu ku han weynahay in idinka iyo shaqaalaha kale tababarada loo wado siintooda, si aynu u fahano sidaynu u buufinayno iyo sidaynu suntan u kaydinayno”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Guul ayey inoo tahay inaynu ku baranayno tababarkan nidaamka ayaxa looga hor tago oo markaynu xog u baahano ku sabsan ayaxa waxa aynu u diran jirnay khubaro, laakiin idinka ayaa noqonaya khubarada hawshan loo dirayo oo idinka ayaa markaad wax barataan ka soo warbixin doona”.

Masuuliyiin ka socday hay’addaha FAO iyo DLCO oo ka shaqaysa la dagaalanka ayaxa aya iyaguna halkaasi ka hadlay, waxaana masuuliyiintaasi ka mid ahaa Mr. Daria oo ka socday hay’adda FAO iyo Flage ka socday hay’adda DLCO, iyaga oo ka sheekeeyey muhiimada uu tababarkani u leeyahay xubnaha ka midka ah shaqaalaha wasaaradda beeraha ee tababarka ka hortagista iyo xakamaynta ayaxa loo qabtay.

Tababarkan oo muddo todobaad ah socon doona ayaa xubnaha shaqaalaha ee ka qayb galayaa ku baran doonaan ka hortaga, xakamaynta ayaxa iyo kaydinta suntan lagaga hortago.