Wasiir Ku xigeenka AR. Dibadda Oo Ka Hadlay Kulankii Madaxweynaha iyo Safiir Ku Xigeenka UK Ee Itoobiya

0
491

Picture4Hargeysa (Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay haweenayda safiir ku xigeenka Ingiriiska uga ah dalka Itoobiya. Am.Cat Evans oo ay u ahayd markii u horreysay ee ay shaqo u timaaddo magaaladan Hargeysa.

Haweenaydan oo Madaxweynuhu shalay ku qaabilay qasriga Madaxtooyada Smaliland ayaa ujeedada ay u timid  lagu sheegay inay ku salaysnayd falan-qaynta xidhiidhka labada dhinac iyo isbarasho.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Mowliid Maxamuud Ibraahim ayaa sharaxaad ka bixiyey kulanka Madaxweynaha iyo safiir xigeenka Ingiriiska iyo sidoo kale ujeedada safarkan safiir ku xigeenka, waxa aana hadalladiisa ka mid ahaa, “Halkan  Madaxweynuhu wuxuu ku qaabilay haweenayda Safiir ku xigeenka Ingiriiska uga ah safaaradda Addis Ababa. Gabadhani waa markii u horaysay ee ay Somaliland timid, waxay Addis Ababa timid todobaadkii hore waxayna Somaliland ku timid socdaalkeedii ugu horeeyay”

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibada Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa  yidhi “Waxa aanay Madaxweynaha ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo shaqadeeda ay qaabilsanaan doonto, waxa kale oo ay ka wada hadleen waxyaabaha ay Ingiriisku inaga caawiyaan sida doorashooyinka, wada hadalada Somaliland iyo Somalia iyo arrimo kale oo badan” .

Safiir xigeenka Ingiriiska ee Ethiopia Am.Cat Evans oo wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ku wehelnaysay hadalkan uu warbaahinta siinayey ayaa iyaduna dhinaceeda sheegtay inay Madaxweynaha la yeelatay wada hadal midho dhal ah oo ay kaga wada hadleen xidhiidhka labada dhinac, waxayna tidhi  “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in aan  Somaliland ku imaado bookhashadaydii ugu horaysay. Waana ay i xiiso galinaysaa, waxaanay dhiirigalinaysaa Iskaashiga laba geesoodka ah ee cajiibka ah, ee aan Somaliland la leenahay, iyo sidoo kale taariikhda dheer ee innaga dhaxaysa. Waxaan Madaxweynaha wada yeelanay wada hadal midho dhal ah, waxaanan rajaynayaa inuu sii socdo wada xaajoodku”