Wasiir Khaliil Oo Sheekh Aadan Sune Ka Mamnuucay Khudbadaha Masaajidada Iyo Duruusta Uu Ka Bixiyo

0
589

Picture6Hargeysa(Geeska)-Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa digreeto uu  soo saaray wuxuu khudbadaha masaajidada iyo duruusta uu ka bixiyaba kaga mamnuucay Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Aadan Sune) oo ka mid ah culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa.

Digreeto uu soo saaray Wasiir Khaliil oo uu ku socod siiyay hay’adaha Qarnil Ifriiqi iyo Al-Huda oo gacanta ku haya qaar ka mid ah masaajiidda Hargeysa, wuxuu   ku yidhi sidan, “Aniga oo tixraacaya masuuliyada naadirnimo ee idinka saaran masaajidada aad dhisteen ee aad gacanta ku haysaan  oo ah goobo cibaado loogu tala galay iyo in lagu wacyi geliyo bulshada muslimka ah ee dalkeena loona baahan yahay in si degan  oo naxariis leh loogu baraarujiyo khudbadaha, lana ilaaliyo asluubta fiican iyo dhaqanka muslimiinta oo ah in laysku wado bulshada lana dhawro midnimada iyo nabad galyada umada  iyada oo lagu cadaynayo waxa ay diintu ina fartay  loona raacayo adaabta sharciga ah ee wanaag farista iyo xumaan reebista  waxa idinku waajib ah inaad la socotaan hadba culimada ka hawl gala  oo aad hagtaan. Waxaan halkan idinku farayaa inaad ka joojisaan Sheekh Aadan Cabdi Warsame  khudbadaha iyo casharada uu ka bixiyo masaajidka aad ka masuulka tihiin  ilaa amar danbe, sidoo kale culimada ka hawl gali doonta waa inaad nala soo socodsiisaan  wasaarad ahaan.”