Wasiir Ka Tirsanaa Xukuumaddii Rayaale Oo Sheegay Inay Diideen Heshiisyo Dekedda Berbera Ahaa

0
778

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin Siciid Sulub Cabdi, haddana ka tirsan xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa ka hadlay heshiiska Dekadda Berbera, waxaanu sheegay in aanay haboonayn in Xukuumaddu gasho heshiiskan, madaama muddo xilkeedkeedii wax yari uga hadhsan tahay.

sawirka-sulub

Siyaasi Siciid Sulub oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumaddii UDUB ee uu ka tirsanaa ay hore u diiday heshiisyo noocan oo kale ah, isaga oo dhinaca kalana ku baaqay in Doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo, Madaxweynuhuna uu ka badheedho arinta saami qaybsiga.

Mudane Siciid Sulu boo ugu horreyn ka hadlaya heshiiska xukuumadda Somaliland la gashay shirkadda DP World ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Mar aan wareystay Xildhibaanada Golaha Wakiilada waxay igu yidhaahdeen heshiisba nalooma keenin, waxaa na loo keenay warqad ay Xukuumaddu soo qor-qortay oo ah heshiis baanu galaynaa qodobadaas baanu ku galaynaa ee noo fasaxa in aanu heshiis galno, taasina wax la arkay maaha oo heshiis saxeexan oo maalgashi ah ama kiro ah oo qodobadiisu cayiman yihiin oo waxa  la kala leeyahay kala cayiman yihiin oo na loo keenay ma jiraan bay yidhaahdeen, haddii ay sidaasi jirrtana waa waali, marka heshiis maalgashi ama kiro labadaba waa la  sameyn karaa, laakiin waa inuu heshiiskaasi noqdaa heshiis dani ugu jirto qaranka iyo dad oo sharcigeena waafaqsan”

Siciid Sulub mar uu ka hadlaayey saamaynta waqtiga kooban ee ka hadhay muddo xileedka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku yeelan karo in ay heshiisyo kan oo kale ah gasho waxa uu yidhi, “Mar haddii muddo yar ay Xukuumadda u hadhsan tahay inay dilaalkaas yar uun ka fuudhyeelayaan, ee dan qaran aanay ka fuudhyeelayn, waxaana haboon mar haddii wakhti yar oo koobi u hadhay Xukuumaddan in aanay galin heshiis ayaa wacan”

Mudane Siciid Sulub waxa uu ku dooday in mushkiladda ugu weyn ee arrimahan oo dhan fududaynaysaa ay tahay baarlamanka oo uu ku tilmaamay in aanu jirin, isaga oo hadalkiisaa hore sii watana waxa uu yidhi, “Mushkiladu waxa weeye Golahii Barlamaanka ayaa ah Gole aan jirin, waa Gole wakhtigiisi dhammaaday oo Xukuumadda waxa uu kaga iibsanayaa inay wax walba u saxeexan in muddada  iyaga loo kordhiyo, marka dhibta dadka haystaa waa taas, Golihii Guurtidu Gole jira maaha oo Xukuumadda jeebkeeda ayuu ku jiraa, Golihii Wakiiladuna Xukuumadda jeebkeeda ayuu ku jiraa, labaduna maslaxdooda ayey eeganayaan ee maslaxada iyo danta dadka eegan maayaan”

Siciid Sulub la weydiiyey in xilligii xukuumaddii uu ka tirsanaa ay dhacday in heshiisyo kan oo kale ah oo dekedda khuseeya loola yimid waxa uu ku jawaabay, “Heshiisyo Dekedda ku saabsan oo aanu galnay may jirin, weyna jireen Shirkado badan oo doonayey inay maalgashadaan ama ay kireystaan Dekadda, marka laguma heshiin waxba, laakiin dadkii noola yimid heshiiska Dekadda Berbera waanu ka diidnay anagu, oo Shirkadihii noola yimdi waxa ka mid ahaa Shirkad Faransiiska ah, Shirkadii Camuudi, iyo dhawr qolo oo kale, markaas mar walba waa in la eega danta dadka iyo dalka ee aynu inagu ka faa’iidayno”

Siyaasi Siciid Sulub mar uu ka hadlaayey Doorashada iyo saami qaybsiga Madaxweynaha loo gudbiyey ayaa yidhi “Madaxweynuhu madaama aanu musharaxa ahayn waxay ahayd inuu ka badheedho saami qaybsiga, oo Doorashada Golaha Wakiilada u badheedho, maxa yeelay laba jeer oo aan la dooran oo bilaa sharciya ayey fadhiyaan, marka waxa weeye inuu Madaxweynuhu Maxkamada sare u gudbiyo, ama uu u badheedho sidii loo gali lahaa Doorashada Golaha Wakiilada.

Doorashaduna in wakhtigii loo cayimay ee loogu talagalay inay ku dhacdo ayaan ku baaqaya oo aanay dib ugu dhicin

Mar uu ka hadlaayey Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani ayaa yidhi “Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani waa la iclaamiyey wakhtiga la qabanayo, Musharaxa Madaxweyne iyo ku xigeen baa lagu ansixinaya haddii ALLE idmo, cadaalad iyo dimuqraadiyadna uu ku dhici doonaa, si wacana waa loo maamuli doonaa”