Wasiir Ingiriis Ah Oo Somaliland Ku Tilmaamay Inay Astaan Dhif Ah U Tahay Dimuqraadiyadda Iyo Degenaanshaha Gobalka Geeska Afrika

44
3689

Hargeysa(Geeska)-Wasiirul dawlaha dawladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo dalalka barwaaqosooranka Mr. Rory Stewart, ayaa Somaliland ku tilmaamay inay astaan dhif ah u tahay dimuqraadiyadda iyo xasiloonida gobalka Geeska Afrika, ka dib doorashadii qabsoontay 13 November.

Baarlamaanka Ingiriiska oo tan iyo markii ay doorashada Somaliland u qabsoontay si nabadgleyo waxa lagaga hadlayay doorashada Somaliland, iyadoo markii u horaysay su’aal laga weydiiyay raysalwasaaraha dalkaas Ingiriiska Theresa May.
Haddaba, toddobaadkan Xildhibaan Liz McInnes, oo la hadlaysay wasiirul dawlaha Ingiriiska ee Afrika, waxay soo xigatay hadal ay raysalwasaaraha Ingiriiska Theresa May ka tidhi arrimaha doorashada Somaliland, iyadoo si guud isugu qaaday dalkii hore la isugu odhan jiray Somaliya, waxaanay xildhibaanadu ka codsatay wasiirka in xafiiskiisa arrimaha dibaddu uu ka hawlgalo caawinta iyo taageerista Somaliland, waxaanu wasiirku ku jawaabay “Somaliland waxay astaan dhif ah u tahay dimuqraadiyadda iyo xasiloonida gobalka, waanan hambalaynaynaa qabashada doorashadaas ugu dambayn dhacday.”
Wasiirku, waxa kale oo uu murashixiinta doorashada ka qayb gashay ee saddexda ahaa ku bogaadiyay mawqif ay ka qaateen gudniinka fircooniga ah, waxaanu yidhi “Waxaanu sidoo kale bogaadinaynaa talaabooyinka qayral cadiga ah ee ay qaadeen murashixiintii doorashada ee ahaa balan qaadka inay joojinayaan gudniinka fircoongia ah islamarkaana ay sharciyaynayna doonaan si arrintaas loo gaadho.”
Doorashadaas Somaliland ayaa u muuqata inay soo jiidatay dareenka Baarlamaanka Ingiriiska. Xildhibaan Stephen Doughty iyo xildhibaan Zac Goldsmtih ayaa hore golaha ugaga hadlay arrimaha doorashada madaxtooyada Somaliland oo ay ku tilmaameen mid mucjiso ku ah qaaradda Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here