Wasiir Ingiriis Ah Oo Somaliland Ku Cambaareeyay Fulinta Qisaastii Toddobaadkan

0
564

Hargeysa(Geeska)-Wasiirul dawlaha Ingiriiska ee arrimaha dibadda ee wadamada Barwaaqo sooranka Ms. Joyce Anelay ayaa dawladda Somaliland ku cambaaraysay fulinta xukunada qisaasta ah.

1

Haweenaydan oo sidoo kalena ah ergayga raysalwasaaraha Ingiriiska ee ka hortagga xadgudubyada galmada, ayaa qoraal ay gelisay barta ay twitterka ku leedahay waxa ay ku sheegtay in dawladooda Ingiriisku ka xumaatay xukunadaas dilka ah ee ay dawladda Somaliland toddobaadkan fulisay.  “Aad ayaanu uga niyad xumaanay xukunada dilka ah ee ay Somalialnd fulisay.” ayay tidhi, iyadoo intaas raacisay, “Ingiriisku wuxuu ku adkaysanayaa sida uu mabdi’iyan uga soo horjeedo ciqaabta dilka ah.”