Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Faraqa U Dhexeeya Wasaardiisii Hore Iyo Wasaaradda Waxbarashada

0
987

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyana ka ahaa Wasiirka Arrimaha Guddaha, ayaa ka hadlay sida uu u arko xilka Wasiirnimo ee labadan Wasaaradood, waxaanu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu labada xilba qabto, balse Waxbarashada uu khibrad u leeyahay.

Wasiirka Waxbarashada Prof:Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa baaq u diray guud ahaan Ardayda iyo Dhalinyarada Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi “Wasaaraddii Arrimaha Guddaha, ee aan hore u joogay, iyo Wasaaradda Waxbarashada oo aan hadda jooga, farqi aad u weyn baa u dhexeya, inkasta oo Wasaaradda Arrimaha Gudduhu ahayd Wasaarad aan Wasiir ka soo noqday, oo runtii aan ka mahad sheeganayo, Shaqaalihii iyo Masuuliyiintii kala duwanaa ee aan la soo shaqeeyey, iyo waliba qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland oo si fiican noo garab taagnaa, haddana Wasaaradda Waxbarashadu inuu Madaxweynuhu ii magacaabo aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa, Wasaaraddana waa fiilkaygii, khibradna waan u leeyahay, inkasta oo xaalado iyo duruufo badani waxbarashada ku xeeran yihiin, haddana wixi khibradayda iyo waayo-aragnimadayda ah waxba kala hadhi maayo, xaalad walba oo adagna waanu ka saari doonaa, Waxbarashaduna waa waxyaabaha ugu baahida badan ee Wadankeenu u baahan yahay, wax kasta oo suurtagal ah ee aynu ka qaban karana waanu ka qaban doonaa”.

Wasiir Faratoon ayaa sidoo kale guud ahaan fariin dhiirigelin iyo waano ah u diray guud  ahaan Ardayda Somaliland oo uu ugu baaqay inay dadaal xoogan oo dhinaca Waxbarashada ah muujiyaan, waxa kale o uu talo u soo jeediyey Waalidka iyo Macalimiinta, oo uu kula taliyey inay mar walba ka war hayaan Ubadkooda iyo Ardaydaba

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here