Wasiir Faransiis Ah Oo Sheegay In Dunidu U Baahantahay Keli-taliyayaal Badan

1
657

 

Paris (Geeska/France24)- Wasiirka Qurba-jooga Faransiiska, Vistorin Lurel ayaa cadeeyey in aduunku u baahan yahay keli-taliyeyaal badan sida  Hugo Chavez, xilli uu ka qeybgalay aaskii Chavez. “Aduunku waxuu u baahan yahay keli-taliyeyaal badan sida Hugo Chavez,” ayuu sheegay Lurel.

Lurel ayaa ku tilmaamay Chavez xariijinta u dhexeysay Charles de Gaulle iyo halgamaagii garabka bidix, Léon Blum, oo saddex xilli ku guulaystay Raysal-wasaarenimada France. “De Gaulle, sababtoo ah waxuu isbedel ku sameeyey hay’adihii dalkiisa, dhinaca kalena, Blum, waxuu ka shaabahaa la-dagaalankiisii isdaba-jooga ahaa cadaalad-darada.” Ayuu u sheegay Radio RTL.

“Waa la igu dhaleecayn karaa odhaahdan, balse, aduunku waxuu u baahan yahay keli-taliyeyaal badan sida Hugo Chavez, haddii dhaqankiisu ahaa keli-taliye, waxuu muujiyey qiimayn sare ka muujiyey xuquuqal-insaanka.”

Lurel ayaa ku sifeeyey aaska Chavez socdaal, “Inkastoo dadku isku fikir ka ahayn sida dhaqankiisa iyo siyaasadihiisu ahaayeen, shacabka dalkiisu way ku faanayaan wax-qabadkiisa 14-kii sannadood.”

Aaska Chavez oo ka soo qeybgaleen 32 hogaamiye wadan ayaa Jimcahii ka dhacday  Cararacas.

Comments are closed.