Wasiir Duur Oo Qiray Culayska Saaran Wasiirul Daakhiliga

0
921

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa qiray culayska saaran qofka masuul looga dhigo amniga Somaliland, waxaanu ka sheekeeyay fikirkii uu ka aaminsanaan iyo aragtidiisa hadda oo loo dhiibay xil culays badan.

Wasiir Duur oo shalay hadal ka jeedxilduur-342x417iyay xaflad uu urur dhallinyaro ahi shahaado sharafyo ku guddoonsiiyay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan iyo shirkado madaxbanaan, wuxuu sheegay inay ilaalinta nabadgelyadu dhib badantahay, "Markii aan xildhibaanka ahaa waxaan odhan jiray qarankan maxaa nabad galyo uun ka lulay, laakiin markii lay diray waxaan ogaaday inay dhib badan tahay dhib ka waynina ma taalo dalka.” Ayuu yidhi Wasiirka daakhiligu, waxaanu intaas raaciyay “Waxaan ahaa mudane aad uga dooda baarlamaanka oo isbedalkan hadda dhacay aad ugu doodayey waliba aniga oo ka tirsanaa xisbigii tagay ayaan haddana markaan sanad wada joognay ayaanu ku kala baydhnay tubtii siyaasada aniga oo dhaliilaya oo doonaya inuu isbadal dhaco.”

Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Runtii isbadalkii wuu dhacay laakin waxaan qirayaa in naba galyadu aad u hawl badan tahay, saldhiga horu marka qarankuna ayaa waxa uu dabada ku hayaa inaynu nabad helno,waxa saamayn inagu leh waxaynu deris la nahay wadamo aanay nabadgalyo ka jirin, maanta Somaliya oo burbursan oo ay colaadi ka jirto ayeynu deris la nahay markaa deriskeenu waxa uu qabaana saamayn ayey inagu leedahay, markii munaasibadan laygu yeedhay waxaan kala doorsaday laba arimood kuwaas oo kala ah  inaan munaasibadan ku imaado aniga oo ka caga jiidaya waayo  in meesha ay hawsha badani taalo laygu abaal mariyo waxaan ka jecelahay in dhaliishayda lay sheego si shaqadaydu u badato iyo inaan soo waajaho dhalinyaradan wanaaga jecel oo nagu abaal marinaysa hawsha aanu qaranka u hayno.”