Waraysi Gaar Ah: Wasiirka Duulista Iyo Hawada Oo Ka Jawaabay Su’aalo Kala Duwan

0
634

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka duulista iyo hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka waramay halka ay u marayaan laba mashruuc oo dib loogu dhisayo madaarada Hargeysa iyo Berbera, kaas oo ay maalgelinayso dawladda Kuwayt.

wasiirka-DulistaWasiir Xaashi, oo waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inay wada hadalo u socdaan shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya si ay duulimaadyadeedii dib uga bilowdo Somaliland, isagoo xusay inuu wada hadal la leeyahay shirkado kale oo Afrikaan ah oo ka dhawrsaday inuu magacaabo. Waxa kale oo uu ka hadlay warar sheegaya inuu ka mid yahay xayn wasiiro ah oo ay ku dhici doonto seefta isku shaandhayn la sheego inuu Madaxweynuhu maaganyahay. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:

Wasiir waxaad warbaxin naga siisaa mashaariicdii garoomada dib loogu dayac tiraayay arimahoodii halkay idiin marayaan?

Mashaariicada garoomada Hargaysa iyo Berbera laga fulinaayo oo runtii ka kooban afar mashruuc, Hargaysa waxa laga qabanayaa wadada ay diyaaraduu ka duulaan ee hore 2.4-M  oo wakhti aad u fog oo ah dhawr iyo kontankii la dhisay intaa waxaa lagu soo waday kab kab, takale kama soo dagi karaan dayuuradaha waawayn ee casriga ahi, markaa waxa la saarayaa laami cusub waa la dakaynayaa, markaa wado cusub ayuu dabcan noqonayaa, waxa kale oo lagu samaynayaa madaarkan caasimada silig ka celiya xoolaha iyo dadka, amaankiisu halis buu ku jiraa markaas kaasuna waa marshuuca labaad, Hargaysa labadaas ayaa laga fulinyaa.

Berberana waxa laga fulinyaa terminaal cusub oo weyn oo dabcan qurux badan iyo isagana silig lagu wareejiyo afartaas mashruuc ayaan ka fulinyanaa, kharashkeedana waxaa bixinaysa dawlada Kuwayt oo waa lacagtii ay inoogu deeqeen, lacagtaas waxa lagu khasirayaa mashaariicdaas shirkadii sahaminta samaysay ee la talinta xaga ingineernimada waxa kale oo ay samaysay qiimayntii iyo diyaarintii marka marshuuca la fulinaayana waa ay kormeeraysaa markaa shirkadaasna waxa la siiyay lacag ilaa malyuuna oo dawlada Kuwayt ay siisay, markaas lacagtaa inoo hadhay ee sagaalka milyana ayaa lagu fulinyaa mashaariicdaas aan imika kuu sheegay.

Safarkii u danbeeyay ee aad dibada ugu baxdo waxaad soo martay Itoobiya waxaanad wada hadal la soo qaadatay shirkadii Itobiyaan Airlines, iyada maxaad isla soo meel dhigteen?

Shirkada Itoobiyaan Airlines waa shirkad caalamiya oo aad u qiimo badan, shirkadaha aan danaynayno ayay runtii kamid tahay waxaanay siyaasadaasu salka ku haysaa wasaaradani iyad oo fulinaysa himilooyinka xukumada uu madaxweynaha ka yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaan doonaynay si maalgalin faro badan uu wadankani u helo shaqo looga abuuro da’yarta jaamacadaha ka baxaysa iyo dadka bilaa camalkaa waa inay maalgaliyayaal shisheeye aynu soo jiidanaa, taasina waxay ku imanaysaa in hawadeenii diyaarado caalamiya ka gooshaan oo diyaarado badan yimaadaan oo qofku uu heli karo diyaarado caalamiya oo la yaqaano oo caymis ku jira, arintaas waxa anaga go’an ka xukumaad ahaan in aan soo celino Itoobiyaan Airiline ama diyaarado kale oo aan imka la wadno wada hadalo oo hadda aanan ka hordhacaynin magacyadooda oo Afrika ka caana iyagana ayaan la wadnaa wada hadalo ay ku soo fadhiistaan Somaliland, markaas taasi waxa weeyaan si hawadeenu ka ganacsigeedu xoog ay u yeelato ayaan halkaa u tagay, shirkada Itoobiyaan Airlines oo iyada ay noo dheertahay dal aan saaxiibnahay walaalo nahay iskaashi leenahay, markaa waxaan isla garanay in duulimaadyadii shirkadaasu ay Somaliland dib uga bilawado wakhti aan fogayn, gaar ahaan inay wakhtiga xagaaga bilaabaan, waxyaabaha loo baahan yahay agabka diyaarinta goobahaasna masuuliyadaas waxii dawlada kaga soo hagaagta waan dhamaystiraynaa.

Wasiir dadkeenu wakhti badan ayay siyaasada falanqeeyaan, waxaanay kugu tilmaamaan wasiir awood badan adigu arintaas sideebaad u aragtaa?

Anigu ma qabo marka hore in dareenkaas dadku wada qabo, waxa laga yaabaa dadka qaarkii inay yidhaahdaan, aniguse wasiir caadiya ayaan ahay waxaan xukumaana oo aan masuul ka ahay wasaarada duulista iyo hawada Somaliland, markaa wasiiraduna waa isku wada awood waana kaaliyayaashii madaxweynaha, masuuliyadana cida loo doortay waa madaxweynaha isagaana markaas xilkiisii u kala qaybiyay kaaliya’yaashiisii inuu midba meel ka caawiyo, anigu meesha kaliyaata ee aan ka caawiyaa waa xilkaas uu ii igmaday, kaasan qabtaa haddii aan kaas qabto oo aan si fiican uga soo baxo ay dadka qaarkii u arkaan inaan awood dheeraada leeyahay dee waa iyaga iyo aragtidooda iyo aqoontooda.

Waxa kale oo aan ku su’aali lahayn, waxa baryahanba la hadal hayay in isku shaandhayn uu madaxweynuhu uu samayn doono, madaxbadan oo aad adigu ku jirtona  xilka laga qaadi doono, adigu sidaad arintaas u aragtaa?

Dee horta marka ugu horaysa anigu runtii wax dareena kama hayo, qof ahaan wax isku shaandhayn la wado kama war ahayo, dee xaqna uma lihi inaan ka war hayo, waayo dee anigu wasiirbaan ahay oo kaaliyaan ahay Af-Somali waxa lagu yidhaahdo madiidin ayaan anigu ahay, markaa shaqada uu Booskaygu wado dee isagaa masuuliyadaas leh inaan ogaado awood uma lahi, markaa dee madaxweynaha ayaa arintaas leh, waa xil isaga u yaala, isagaa markaa ka fakaraya xiliga ku haboon ee loo baahan yahay in la sameeyo isku shaandhayn, isku shaandhayntuna waa wax caadiya oo waa la sameeyaa oo cidbaa xil laga qaadaa ama cidbaa xil loo dhiibaa, lakiin waa wax siyaasada  madaxweynaha iyo awoodahiisa iyo wakhti munaasab u ah isagay u taalaa anigu xogagaal kama ihi, aniga iyo tayda iyo in xilka layga qaadaana dee waa shay caadiya, shalayna madaxweynah ayaa I magacaabay waanu iga qaadi karaa wax dhiba uma arko dee mid walbana raalaan ka ahay.