Wasiir Caddami Oo Ka Hadlay Saamaynta Sicir Bararku Ku Yeeshay Nolosha Dadka Somaliland

0
550

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa qiray saamaynta uu sicir bararku ku yeeshay nolosha dadka, waxaanu Guddida loo xilsaaray inay wax ka qabtaan ugu baaqay inay sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabtaan, oo aanay is dhigan.

 

Wasiirka gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami oo Wargeyska Geeska Afrika u waramayay ayaa sidoo kale ka hadlay safarka gaarka ah ee madaxweynaha, Diyaaradaha duqeeyey deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, taageerista xukuumadda Somaliland ee xulafada Sucuudiga iyo heshiiska Somaliland iyo Khaatumo, waxaanu ugu horeyn waraysigani u dhacay sidan 

Sicir bararku saamayn buu ku yeeshay noloshii dadka, qiimihii sarifkuna inuu  sare u sii kaco mooye ma jabo, Guddidi loo saarnayna ilaa hadda waxba kamay qaban, markaas ma la odhan karaa Xukuumadda iyo Guddida loo xilsaarayba wey ku fashilmeen inay sicir bararka iyo qiimaha sarifka xal u helaan?

Xukuumad ahaan waanu ognahay in dalka uu sicir barar ka jiro, wasiir ahaana waan dareensanahay in sicir babarku uu saamaayey noloshii dadka, waana ka war qabaa in halkii doolar uu sagaal kun iyo jarjar uu hadda gaadhay, boqolkii doolarna sagaal boqol iyo dheeraad laguugu sarifayo, balse guddidbaa loo saaray inay wax ka qabato, oo ay xal u hesho, markaas Guddidaas waxaan leeyahay waxaad noqon doontaan guddid habaar-qaba oo umaddu ka niyad jabto, oo aan xal u helin sicir bararkan ama waxaad noqon doontaan guddi duco qabayaal ah oo dadku u duceeyo, oo dadka ka farxiya, xilkaas loo igmaday ee ah inay xal u helaan sicir bararka, 

 laakiin anigu waxaan idin rajaynayaa inaad noqotaan gudi duco qabayaal ah oo dadka ka farxiya, waxa se guddi ahaan  idinkula talinayaa in aydaan cidna sugin, isna dhiganin, ee awoodiina maskax ahaaneed iyo awoodina aqoon ahaaneed ama khibrad ahaaneed intaad isku geysaan  xalka ugu wanaagsan ee lagu xakamayn karo waxna lagaga qabano karo sicir bararka ka soo saara, oo dadkiina ka farxiya.

Wali may dhicin in madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray sannad gudihii ay safaro badan oo gaar ah dibadda ugu baxaan, marka laga reebo madaxweyne Siillaanyo oo sannadkan  badhtimihiisii lagu jiro saddex safar oo gaar ah dibadda ugu baxay, markaas ma la odhan karaa sharcigii dalka ayuu baalmaray?

Madaxweynuhu haddii uu safar gaar ah u baxo iyo haddii uu safar kaleba u baxo isaga ayaa dalka madaxweyne ka ah, safarka uu doonaba ha u baxo mar walba dan qaran ayuu u baxay, mana haboona in safarka madaxweynaha wax laga soo saaro, cid dalka uga lexe-jeclo badani ma jirto, hawl walba iyo safar walba oo uu u baxana ha ahaado safar caadiya ama ahaado safar gaar ah mar walba danta qaranku meesha kama maqna, markaas yaan wax walba laga dhigin dhaliil. 

Xukuumadda Somaliland waxay si toos ah u taageertay xulafada uu Sucuudigu hogaaminayo, xilli aanay Somaliland aqoonsanayn dhammaan Wadamada Khaliijku, gaar ahana Sucuudiga iyo Qadar, markaas maxa keenay in bilaa sabab ay  xukuumaddu u taageerto xulufada Sucuudiga?

Golaha Wasiiradda Somaliland, waxay cod ku meel mariyeen in si toos ah loo taageero xulafada Sucuudiga, marka ay noqoto Sucuudiga iyo Qadarna waxay wax badani iskaga keen xidhan yihiin Sucuudiga oo aynu xoolaheena u dhoofino, waxaana ku rajo weynahay in dib loo furo dhoofkii xoolaheena, markaas inagu danteena ayeynu u aragnay inaynu sucuudiga taageerno, ee bilaa sabab iyo bilaa dan umaynu taageerin, ta kale xulafada uu Sucuudigu hogaaminayo oo ay Imaraadku ka mid yahay iyana dano badan baa iskaga keen xidhan, oo xidhiidh aad u wanaagsan baynu leenahay, markaas taageerida aynu taageernay xulafada Sucuudiga kumaynu khasaarin ee weynu ku faa’iidnay, ta aqoonsigana wadamadan oo qudha maaha ee iyaga iyo wadamada kale ee caalamka weynu ka rabnaa, weyna uga fadhinaa inay Somaliland aqoonsadaan oo madax-baanideeda iyo jiritaankeeda ay qiraan. 

Heshiis ayaa dhexmaray Khaatumo iyo Xukuumadda Somaliland, qodobadana waa laga soo saaray, markaas adiga muxuu kula muuqda heshiiskani?

Wadahadaladani muddo ayey qaadeen, marxalado kala duwan wey soo mareen, oo shirar kale duwan ayaa ka dhacay Jabuuti iyo Itoobiya, mar haddii Shirkii ugu dambeeyey lagu soo 

gabagabeeyey Somaliland waa khayr, heshiiskana waa mid aanu aad ugu faraxsan nahay, mar walbana in cidii inaga maqan loo yeedho oo la qanciyo ayaa haboon, waxaana dhab ah in dadka reer Somaliland aanay sinaba u kala maarmayn, markaas anigu waan soo dhaweeynayaa shirkaas, in qodobada lagu heshiiyeyna inay guul inoogu dhammaadan oo la is fahmo ayaan ALLE ka baryayaa.

Diyaaradihii duqaymaha ka geystay deegaano ka tirsan Saylac, waxa la sheegay inay ahaayeen diyaarado milatari, markaas adigu madaama aad tahay wasiirkii gaashandhiga maxaad kala socotaa diyaaradahan, wax xog ah se ma ka haysaan xukuumad ahaan, diyaaradahan iyo ujeedada ay duqeynta u geysteen?

Horta waa dhab oo Diyaaradahani wey jiraan, balse wasiirka dakhliga ayaa ka hadlay, markaas xukuumad ahaan waa la baadhaya oo sababta keentay duqaynta iyo macluumad walba oo ku saabsan diyaaradahan waa la darsayaa oo xukuumaddu hawshaas wey ku jirtaa.