Wasiir Cadami Oo Ka Jawaabay Eedayntii Maamulka Puntland

0
847

CADAMIHargeysa(Geeska) Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami,ayaa jawaab kulul ka bixiyey Hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka Amniga Maamul Gobolkeedka Puntland, oo Somaliland ku eedayey in Hubka Markabka saaran ay leedahay, waxaanu sheegay in hadalkaasi aanay waxba ka jirin.

Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa Shir jaraa’iid oo uu Shalay qabtay sheegay inay Somaliland faan u tahay Markabkan ay qabtay, isaga oo sheegay inay Baddeeda ilaalinayso, heegana u tahay inay amaankeeda sugto, waxaanu isaga oo arimahaas ka hadlaya yidhi  “Waxaan leeyahay Hadalkaas Wasiirka  waa hadal dabayshu soo qaaday oo Il-duuf ah,oo aan meeshiisii ahayn,kaas oo ku gabood falaya Xidhiidhka Caadiga ah oo aan mid qoto dheerba ahayn oo ka dhexeeya dadka deriska ah.waa mid ay Caadaysatay Puntland.

Waxaa jira Arrimaha qaar Diblamaasiyadda ka mamnuuc ah, waxaa ka mamnuuc ah sida Markabkaas la sheegayo, Somaliland Markab Hub sida ayay qabsatay waa faan.jiritaankeeda iyo inay Badda ilaalinayso ayay Caddaynaysaa,dadku maaha dad Caamo ah oo la caamayn karo ee Caalamka oo dhan baa nagu bogaadinaya, Qoraal baa lagu soo bogaadiyay Somaliland”

Wasiirka Gaashandhiga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi“Malaha Ninka Puntland u hadlay ma yaqaan Shuruucda Baddaha,waxaan filayaa inuu yahay Qolyaha Xoolo raacatada ah, Ciidanka Badda Somaliland iyo Ciidamada kaleba iyo Maamulka Dekedduba wuxuu ku amaanan yahay Markab tuugo ah oo Badeecaddiina la saraysiiyay Hoostana Hubka la dhigay inay Ogaadeen”