Wasaaradda Waxbarashada Iyo Hay’adda NRC Oo Qalab Caafimaad Ku Wareejiyay Jaamacadda Edna Aden

0
562

Hargeysa (Geeska) Wasaarada waxabarshada iyo hayada NRC  ayaa qalabku wareejiyey Jamacada Edna University , waana qalab loogu talo galay in ardaydu wax ku barato.

1

Ugu horayn waxa halkaa ka hadalay Sarkaal ka socday Haayada NRC waxaanu yidhi “waxa maanta noo suura gashay anagoo ah kooxadan ay hogaaminayso  wasaarada waxabarshada in aanu ku wareejino qalabkan Edna Aden maternity  and University  qalabkan aad arkaysaan oo tiradan leh kani waa Dental Chair-kii   waa qaybta ugu way nee dhaqtarka ilkuhuu ku shaqeeyaan microscope iyo kiimikalkiskii la isticmaali lahaa markaa sanadkii hore dabayaaqadiisa  ayaa hayada NRC iyo wasaarada  waxbarashada oo wada socda waxay soo mareen jamacadah public-ga ah ee wadankeena iyaga oo markaa doonayey inay ogaadan jamacad kastaa maxay u bahantahay sidaasi darteed waxay jamacada Edna codsatay in loo keeno Dental Chair –kan iyo alaabtan kale ee manta  halkan aanu ku wareejinayno .”

Waxa isnaa halkaa ka hadalay agaasimah Guud ee wasaarada Waxabarashada waxaanu hay’adda NRC uga mahadceliyay deeqda ay siisay jaamacadda Edna Aden, isagoo sheegay inay hanti geliyeen mid ka mid ah jaamacadaha caafimadka ee dalka ka jira.

Wasiirul dawlaha waxbarashada oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in jaamacadda Edna iyo cisbitaalkuba sameeyeen horumar laxaad leh, isagoo ka waramay taariikhdii goobta uu cisbitaalku ka dhisanyahay oo wakhtiyo ahayd goob cidlo ah, waxaanu ammaanay doorka ay marwo Edna kaga jirto horumarka dalka.

Marwo Edna Aden  oo iyaduna halkaa ka hadashay ayaa sheegatay in Alaabta lagu wareejiyey aad qiimo  weyn ugu fadhido, Drs Edna waxay Xustay taariikhda ay u soo martay in ay Hirgaliso ,  waxaanay sheegtay inay cisbitaalka iyo jaamacadda Edna gelisay lacagtii ay ka soo shaqaysatay Qaramada Midoobay oo ay hawlgab ka gashay sannadkii 1997 oo ay bilowday cisbitaalka.