Wasaaradda Khaarajiga Oo Ka Hadashay Kulankii Dhex Maray Wasiir Sacad Iyo Dhiggiisa Dalka Masar

0
747

Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda khaarajiga Somaliland ayaa ka hadashay kulan magaalada Qaahira ee dalka Masar ku dhex maray wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka khaarajiga Masar Dr. Samih Shukri.

1

Warsaxaafadeed laga soo saaray wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa wuxuu u dhignaa sidan “Wefti balaadhan oo uu hogaaminayay wasiirka Arrimaha Debada iyo iskaashiga caalamiga jamhuuriyada Somaliland, Dr Sacad A. Shire oo dhawaanad safar socdaal shaqo ku joogay Dalka Masar ayaa la kulmay dhigiisa masar, Dr. Samih Shukri iyo qaar ka mid golaha wasiirada dalka masar oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Tacliinta sare,Dr. Ashraf M. El-Shihy,ku xigeenka Wasiirka caafimaadka, ku xigeenka Sheekha jaamacada AZHAR, xubno  ka mida golaha wakiilada iyo uqaabilsanaha wadanka masar dhanka amuuraha Africa.

waxa uu kulanku daaranaa sii xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dal gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga,Waxbarashada iyo Caafimanka , sidoo kale waxa kulanka ku xusnaa sidii Masar ay Somaliland uga taageeri lahayd dhanka farsamooyinka.

dhanka Masar, Wasiirka Waxbarashadu waxa uu balan qaaday in sanadkasta ay Ardayda Somaliland siin-doonan Deeq waxabarasho oo gaadhaysa 50 arday, iyo in masar kor u qaado Tababarada macalimiinta Somaliand, sidoo kale Wasiir Dr. Ashraf M. El-Shihy, waxa uu hoosta ka xariiqay in jaamacada Hargeisa ka Taageeri doonan dhisida xarun Cilmi Baadhis oo ay jamacadu yeelato.   ku xigeenka Wasiirka Caafimaadku waxa uu isna balan qaaday in ay sanadkasta usoo dirayaan Cisbitaalada somaliland dhakhaatiir dhanka qaliinada ku xeel dheer iyo in ay ugu deeqaan qalab iyo dawooyin xarumaha caafimadka somaliland.

Dowlada Masar waxay somaliland u balan qaaday in ay ka taageerto dhanka waxbarashada diinta si meesha looga saaro Afkaarta xag-jirnimada ah.

Jamhuuriyada Somaliland oo xidhiidh soo jireen ah la lahayd ayaa imika danaynaysa dib u noolaynta xidhiidhkaa.

Wasaarada Arrimaha Debada Somaliland waxay Mahad Celin Balaadhan udiraysaa Dowlada Masar sida ay u Muujisay in Somaliland dhinacyo badan ka taageeraan.”