Wasaaradda Kalluumaysiga Oo Ka Hadashay Mashaariicda Horumarinta Kalluumaysiga Ay Wadaan

0
591

Hargeysa(Geeska)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa ka xog waramay hawlaha qaran ee ay umadda u hayaan waxaanu ugu baaqay kaluumaystada somaliland inay is diwaan geliyaan iyaga iyo doonyahoodu.

1

Wasiir ku xigeenka wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badda oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa waxa uu sheegay in ujeedada laga leeyahay diwaan gelinta kaluumaysatada Somaliland ay tahay in laga garto kuwa Ajaanibka ah ee ku soo xad gudbaya bada Somaliland, waxaanu amaan balaadhan u soo jeediyey Hay’adda FAO, waxaanu yidhi“Maadaama Baddii lagu soo noqday oo aanu filayno inay kaluumaysatada Somaliland ay  u diyaar garoobeen goobihii shaqada iyo kaluumaysiga  waa inay intii aan nasiib u helin inay is diwaan geliyaan iyaga iyo  doonyahooda  ay  is diwaan geliyaan, ujeedada diwaan gelintuna waa inaynu doonyaheena ka soocno doonayaha kaluumaystada kale ee ay leeyihiin  umadaha kale ee ku soo xad gudba bada somaliland,  sidaas darteed waxay  xaq u yeelan doonaan inay caalaamada Somaliland ka muuqan doonto doonyaheena, taas oo ciidamada amniga iyo cid kasta oo ku mashquulsan kala garashada cadawga iyo dadka somaliland ay u fududaan doonto  inay kala gartaan, Shacabka Somaliland ee ku mashquulsan kaluumaysigu waa inay ku deg degaan oo ay qaataan lanbarada doonyaha iyaguna ay is diwaan geliyaan.”

 Wasiir ku xigeenka Wasaradda Kalluumaysiga ayaa mar uu ka hadlaayey Hay’adda FAO iyo Waxyaabaha ay ka caawisay  ayaa yidhi “Waxyaabaha ay hay’adda FAO noo qabatay waxa ka mid ah dib u dhiska dekeda kaluumaysiga ee magaalada Berbera oo dhawaan aanu furi doono, diwaan gelintana waxa noo fudaydisay hay’adda FAO , waxa jira mashruuc doonyo samayn ah oo aynu ku mashquulsanahay  kaas oo  aynu ugu tala galnay in lagu sameeyo 14 doonyood iyada oo ay 4 doonyood samaysan yihiin  kuwaas oo ay naga gacan siisay hay’adda FAO,  waxa kale oo ay hay’addaasi nala qorshaynaysaa qaab  kaluumaysiga casriga ah loo sameeyo  oo caalamku hada ku talaabsaday kaas oo ah in kaluunka la beero, taas oo aanu rajaynayno in bisha soo socota ay noo yimaadaan  khubaradii  oo aynu sahamino meelaha ku haboon ee aynu badeena ku beeri karno.”