Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Ka Jwaabtay War Sheegaya In Hay’ado Caaalami Ah Dalbdeen In Hay’adda Waddooyinka La Madaxbanaaneeyo

0
836

Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda hawlaha guud ayaa ka jawaabtay war uu wargeyska Geeska Afrika baahiyay oo sheegaya in hay’adaha caalamiga ahi madaxtooyada ka dalbanayaan in hay’adda waddooyinka Somaliland laga hoos saaro wasaaradda loona sameeyo guddi madaxbanaan, sidii ay ahaan jirtya wakhtiyadii madaxweyne Cigaal iyo madaxweyne Rayaale.

War uu afhayeenka wasaaradda hawlaha guud Mr. Cabdiraxmaan-wardaani u soo diray xalay Geeska Afrika oo ahaa war jawaab ah ayaa u qornaa sidan “Masuuliyiinta haa’yadda wadooyinka Somaliland ayaa war aan sal iyo raad-toona laheyn ku tilmaamey warar laga faafiyay oo sheegaya in Haya’ddaha Caalamiga Ah ay madaxweynaha Somaliland Ka Dalbadeen In Wasaarada Hawlaha Guud Laga Hoos Saaro Haay’adda Waddooyinka.

Mareeyaha Haa’yadda wadooyinka Somaliland Ibraahim Siciid Cilmi Iyo Yaasiin Cali Aadan oo warbaahinta kula hadley xafiiskiisa ayaa wararkaasi ku tilmaamey kuwo been abuur ah oo aaney waxba ka jirin, waxayna  cadeeyen in haa’yadaha caalamiga ahi ay ka mahad sheegteen qaabka ay ula shaqeyaan wasaaradda hawlaga guud.

Ugu Horeyn Ibraahim Siciid Cilmi Mareeyaha Haa’yadda wadooyinka Somaliland ayaa dhankiisa ka waramey sida haa’yadaha caalamiga ahi ay ula shaqeeyaan wasaarada hawlaha guud, guriyaynta iyo gaadidka Somaliland”hadal riqiis ah wayd ah meel aan haysan isla markaana lagu baahiyay wargeyska Geeska cadadkiisii 2783 qoraalkaas oo ciwaankiisu ahaa Hay’addaha Caalamiga Ah Oo Madaxtooyada Somaliland Ka Dalbanaya In Wasaarada Hawlaha Guud Laga Hoos Saaro Hay’adda Waddooyinka, ciwaankiisu sidaas ayuu ahaa anigoo ku hadlaaya afka haa’yada wadooyinka ahna maareyihii haa’ayada wadooyinka ilaa hadda maanu arag mana jirto wax khilaaf ah oo is fahanwaa ah anaga iyo haa’yadaha aan wada shaqeyno ee caalamiga ah isla markaana maanu arag manaanu maqal war sheegaya oo leh waxaa idin dacweeyay haa’yadaha aad wada shaqeyneyseen oo idinka cabanaaya oo idinka dacweeyay madaxtooyada”ayuu yidhi Ibraahim Siciid Cilmi.

Mareeyaha Haa’yada wadooyinka Somaliland isagoo hadalkiisa siiwata waxaa uu sheegay in haa’yadda wadooyinka iyo wasaarada hawlaha guudba ay dalka ka hirgaliyeen waxqabad la mahadiyay isla markaana uu amaanteeda leeyahey wasiirka hawlaha guud Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexan), waxaanu sheegay in cida warkan been abuurka ah faafisey inay sharciga la tiigsan doonan, waxaanu yidhi “markaa waxan leeyahey cida warkaa qortay layskaga daba hadhimaayo wadanku sharci ayuu leeyahey saxaafaduna shuruuc ayay leedahey waajibaadkayaga anagoo kaasheynayna laamaha garsoorka ee ay khuseyso insha allah ninka waxaas qorey iyo halka uu kasoo qorey iyo siduu waxan u qoreyba waanu soo taabaneynaa hadii alle idmo sharcigana aanu la tiigsan doonaa”

Agaasimaha qorsheynta iyo mashaaricda caalamiga ee haa’yada wadooyinka Somaliland Yaasiin Cali Aadan ayaa isna dhankiisa cadeeyay in warkaasi uu yahey been abuurcad, waxaanu mid mid u carabaabey wax qabadyo dahab u ah qaranka oo haayadaha caalamiga ah ay kala shaqeeyeen haa’yada wadooyinka Somaliland “waxan halkan ka cadeynayaa in haa’yada wadooyinku ay sida cad la shaqeyso tiro ahaan Saddex Haa’yadood, saddexdaa haa’yadood oo kala ah GIZ, haa’yada layidhaahdo SDF iyo haa’yadDa ILO saddexdaa hayadood ayaa tiro ahaan si toos ah ula shaqeeya haa’yada wadooyinka run ahaantii saddexdaa haa’yadoodba waxan la leenahey xidhiidh wanaagsan waxqabadka ay haa’yada wadooyinku la gaadhey haa’yadahas-na waa wax muuqda oo dalka oo dhan ka muuqda khilaaf iska daayee waxaanu ognahey oo aan halka shacabka uga cadeyneynaa in mashaaricdaa ay la fuliyeen haa’yada wadooyina ay yihiin kuwo midho dhalay, waxaa ka mid ah mashaarcidaa mashruuca berbera, waxaa ka mid ah dila iyo kalabaydh, waxaa sidoo kale ka mid ah sheikh ilaa berbera oo dhamaantood ay haa’yadahaasi noo fuliyeen,”ayuu yidhi Agaasimaha qorsheynta iyo mashaaricda caalamiga ee haa’yada wadooyinka Somaliland.