Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Hadashay Tirada Dadka Shuban Biyoodku Soo Riday

0
701

Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Jaamac Diiriye, ayaa ka hadlay shuban biyoodka ka dilaacay deegaanka ka tirsan Somaliland, gaar ahaan Gobolada Bari,dadka uu soo ritay, dadka u dhintay, iyo qaabka ay uga hawl galeen.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Jaamac Diiriye, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale guud ahaan Bulshada ugu baaqay inay ka feejignadaan cudurkan shuban biyoodka, oo ay iska ilaaliyaan xaalad walba oo uu ku fidi karo, waxaanu yidhi “Shuban Biyoodku wuxuu ka dilaacay deegaano ka tirsan dalka, sida deegaano ka mid ah Gobolka Sool, Taleex, Bali-dhiig, Buuhoodle, Widh-widh, warbixinta ugu dambaysa ee aanu hayno waa inuu boqol qof soo riday, dhawr qofna ay u dhinteen, Wasaaraddanu si fiican bay uga hawl gashay, oo waxaanu u dirnay deegaanada uu ka dilaacay tiimam ka hawl gala, ilaa haddana wey ku hawlan nahay sidii aanu wax uga qaban lahayn, si aanu u sii fidin, ILLAAHAYNA waxaan ka baryayaa inuu u naxariisto dadkii dhintay”.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka mar uu Bulshada ugu baaqayey inay ka feejignadaan cudurkan ayaa yidhi “Shuban Biyoodku waa cudurada sida fudud u fida, waxaanu ka dhashaa biyaha aan nadiifta ahayn ee la cabo, ee waxaan dadka uga digayaa inay aad uga feejignadaan Biyaha aan nadiifta ahayn, iyo inay iska gubaan xoolaha bakhtiga ah, waxaana kula talinayaa inay aad isku ilaaliyaan”.

Dhinaca kale Agaasimaha Caafimaadku wuxuu baaq nabadeed u diray Labada Beelood ee is laayey, waxaanu ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan, oo ay heshiyaan, waxaanu tilmaamay inay dalka ka taagan tahay abaar aad u adagi, oo aan loo baahayn isla markaana aan la qaadi karin colaad.