Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Hadashay Sababta Dr. Macow Loogu Diiday Inuu Dalka Ka Shaqeeyo

0
805

Picture6Hargeysa(Geeska)- Dr. Cali Macaw Aways ayaa ka hadlay markii ugu horaysay sida uu u arko xayiraada laga xayiray inuu wax baadhitaan caafimaad ah ka fuliyo Somaliland, waxaanu daboolka ka qaaday in dhammaan bukaankii lacagta laga qaaday loo celin doono lacagtoodii.

Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in Dr.Macaw aanu lahayn wax takhasus ah, isla markaasna ay daawaynta guud aqoontiisu tahay,waxaanu sheegay in dalka oo fiise ku soo galay uu joogi karo, balse aanu wax baadhitaan caafimaad ah ka fulin karayn.

Waxa sidan masuuliyiinta iyo Dr.Macowba ay ku sheegeen mar ay la hadlayeen laanta afka Soomaaliga ee BBC-da. Agaasimaha wasaarada caafimaadka Cismaan Xuseen Warsame oo arintan ugu horayntii ka hadlaayay waxa uu yidhi“Go’aanka la soo saaray waxa weeye kadib markii  baadhitaan qoto dheer la sameeyay oo la hubsaday shuruudaha u dagsan dalkan,markii la ogaaday in Dr.Macaw aanu buuxin shuruudii loo baahnaa inuu buuxiyo,sidaas daraadeed waanu kala noqonay inuu hawshii qabto. Qofkii kasta ee xirfadlayaasha caafimaadka ah waxaanu u samaynay urur ujeedadiisu tahay inay baadhaan shahaadooyinka iyo waxii uu sito xirfadlahaasiba, markaas waxa la ogaaday markii baadhitaan la sameeyay in aanay buuxin shuruudihii dhakhtar khaas ah oo dhanka haweenka ku takhasusay, waxaanan ognay inuu dhakhtarkani yahay daawaynta guud isaga oo yidhi waxaan ahay takhasus, caalamka ma dhacdo intuu dhakhtar intuu meel iska fadhiisto uu yidhaahdo dadka ayaan baadhayaa waxa loo baahan yahay in jaran jarooyin uu soo maro, markaas markii Dr.Macaw ay soo eegeen mihnadlayaasha caafimaadka oo khibradeeda leh, waxay noo soo bandhigeen in aanu dalka ka hirgalinkarin baadhitaankaas.”

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka oo hadalkiisa siiwataa waxa uu yidhi“Wasiirku waxa uu bixiyay imaanshahii dalka uu ku imanaayay, laakiin baadhitaankii mihnadlayaasha ayaa loo saaray, wasiirkuna isaga ayaa wasaarada ka masuul ah oo ma kala socono, waxaanan doonaynaa inaan difaacno dadkan caafimaadkiisa oo aanu ka difaacno waxii khatar ah,dhakhtarku waa uu yimi dalka waxaanu doonayaa inuu ka fuliyo baadhitaan saddex wiig ilaa afar wiig ah, wax ka dabo tag ahna ma jiro dadkiina lacag ayuu ka qaadanayaa.Dadkii lacagta laga qaadayna wasaaradu waxay jeceshay  in lacagtoodii loo celiyo mar hadii ruqsadii la siin waayay dhakhtarkii.”

 Ugu danbayntii agaasimaha wasaarada caafimaadka Cismaan Xuseen Warsame oo la waydiiyay inay dalka ka mustaafurinayaan Dr.Macaw waxa uu yidhi“Waxa la siiyay fiise dal ku gal ah oo mustaafurin ma jirto, laakiin dalkaanu ka hawlgali karin.”

Dhanka kale Dr. Cali Macaw Aways oo arintan markii ugu horaysay ka hadlay ayaa yidhi“Aad iyo aad ayaan uga xumahay, waxa dhacayna wax wanaagsan maaha, laakiin waxaan leeyahay dhakhtarnimadayda iyo aqoontayda cid wax ka sheegi kartaa ma jirto, laakiin waxa meeshan ka socday garan maayo, 27-kii bisha saddexaad ayaanu tagnay xaruntii aanu doonaynay inaanu wax ku samayno, waxaanu tagnay meeshii oo la buuxo oo aad loo buuxo ayay askari noo timi oo la yidhi waa la xidhayaa lamana shaqayn karo, ilaa hadana garan maayo waxa cilada keenay.”

Dr.Macaw oo la waydiiyay in wasaarada caafimaadku ku eedaysay inaanu lahayn takhasus waxa uu yidhi“Haddii uu sidaas yidhi sidee ayay ku suurto gashay in dhulka Jarmalka aan ka shaqo galo iyada oo aan ahay nin Soomaali ah, Ingiriiska sideebay ku dhacday inaan ka shaqeeyo oo aanan Somaliland ka shaqayn karin aniga oo Soomaali ah afka Soomaaligana ku hadla. Dhakhtarnimadayda shaki kuma jiro takhasusna waan leeyahay  oo nin waliba waa uu ogyahay, dhulka Jarmalka shan iyo labaatan sanadood ayay xarun iiga furnayd.”

Dhakhtarkan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxa suuqa soo gashay in 2000 oo qof aan daawaynayo, mana jirto cid intaas ku daawayn karta saddex wiig  aniguna kuma daawayn karo, intaanu diiwaan galinayna 500 ayay gaadhayeen sadex wiig inaan ku dhamayno ayaanu rabnay haddii ay noo suurto gasho, nin walba lacagtii uu bixiyay waa loo celinayaa, laakiin nasiib xumo waxaan ka xumahay dad badan oo ii baahnaa  oo meel kasta ka yimi in aanan daawayn karin, waxna u qaban karin, ilaa toban aan arkay dad dhiban oo meel kasta tagay ayay ahaayeen oo lacag badan laga cunay,  afartanka dollar ee la doonayayna baadhid iyo daawaba waa ay ku jirtay iyaguna arag kaliyaata ayay moodayeen. .”